Ciidamada
Ethiopia oo Hub ka dhigis ku sameeyay Yuusuf Dabageed iyo
warar kale oo ku saabsan Gobolka Hiiraan.
(Baledweyne, May
11,
2008 Ceegaag Online)
Warar lagu kalsoon yahay
oo laga helay magaalada Baledweyne ayaa sheegaya in
ciidamada
Ethiopia
ay hub ka dhigis ku sameeyeen guddoomiyihii hore ee maamulka
gobolka Hiiraan ee xilka laga qaaday Yuusuf Dabageed.
Wararka ayaa tibaaxaya
in ciidamada
Ethiopia
ay gebi ahaanba la wareegeen gaadiidkii dagaal ee uu lahaa
Yuusuf Dabageed islamarkaana ay wixii hadda ka dambeeya la
shaqeynayaan guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay gobolka
Hiiraan.
Ilo lagu kalsoon yahay
ayaa sheegaya in guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay
Hiiraan in uu maanta gaari doono magaalada Baledweyn iyadoo
amaanka magaalada Baledweyne ay iminka sugayaan ciidamo
Ethiopian ah oo xalay saqdii dhexe soo gaaray.
Yuusuf Dabageed oo horay
xilka looga qaaday ayaa tiro dhowr jeer ah waxa uu
idaacadaha ka sheegay in uu weli yahay guddoomiyaha rasmiga
ah ee gobolka Hiiraan islamarkaana aanu jirin cid xilka ka
qaadi karta.
Arrinkan hub ka dhigista
ah ee lagu sameeyey Yuusuf Dabageed ayaa ku soo beegmeysa
xilli uu dhawaan shir jaraa'id oo uu ku qabtay Janta
kundishe uu ku sheegay in uu ku soo wajahan yahay magaalada
Baledweyne.
Dhinaca kale Magaalada
Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa saaka
aroortii lagu arkay ciidamo fara badan oo Ethiopian ah
kuwaas oo ku sugan gudaha magaalada gaar ahaan buundooyinka
ku yaal magaalada Baledweyne ee buundo weyn iyo buundada
Liiqliiqato.
Ciidamadaan Ethiopian-ka
ah oo ka soo ruqaansada deegaanka Jante kundishe oo
qiyaastii 5-KM u jirta magaalada Baledweyne ayaan la ogeyn
sababaha ay u yimaadeen magaalada Baledweyne, hase ahaatee
waxaa la sheegay in ay baaritaano ka bilaabeen magaalada.
Lama sheegin cid ay
illaa iyo hadda ku soo qabqabteen baaritaanadaas, waxaana
inta badan saakay xiran goobihii ganacsiga ee magaalada
Baledweyne, waxaana dadku ay ka welwel qabaan in ciidamada
Ethiopia ay ku qabqabtan
baaritaanada ay ka wadaan gudaha magaalada Baledwyne.
Magaalada Baledweyne oo xarun u ah gobolka Hiiraan ayaa
isbuucyadii la soo dhaafay aheyd meel uusan ka jirin wax
maamul ah, waxaana magaalada maalmihi ugu dambeeyey gacanta
ku hayey xoogagga ka horjeeda ciidamada
Ethiopia iyo
dowladda federaalka.
Soo gelitaanka ciidamada
Ethiopia
ee gudaha magaalada Baledweyne ayaa ku soo beegmeysa xilli
la hadal hayo in uu magaalada soo gaaro guddoomiyihii hore
ee xilka laga qaaday Yuusuf Dabageed oo ay wehliyaan ciidamo
Ethiopian ah.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |