Ciidamada
Ethiopia oo maanta culumaa'udiin Tabliiq ah ka kexeystay
magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan.
(Baledweyne, May
13,
2008 Ceegaag Online)
Ciidamada
Ethiopia ee
ku sugan gobolka Hiiraan ayaa maanta magaalada Beledweyne ka
kaxeystay culumaa'udiin Tabliiq ah oo ku sugnaa magaalada
Baledweyne, xilli ay ciidamadaas howlo baaritaano ah ka
wadeen gudaha magaalada Baledweyne.
In ka badan 21
culumaa'udiin Tabliiq oo howlo faafin diineed ah ka waday
gudaha magaalada Baledweyne ayey ciidamada
Ethiopia ka
qafaasheen magaalada Baledweyne, waxaana ay ula dhaqaaqeen
meel duleedka ka ah magaalada oo ay xarumo ciidan ku
leeyihiin.
Wararka laga helayo
magaalada Baledweyne ayaa sheegaya in ciidamada
Ethiopia
xiliga ay kexeysanayeen culumaa'udiinka Tabliiqa ah ay
magaalada ka wadeen howlgallo baaritanno ah kaas oo ay ka
sameynayeen xaafadaha ay dadka rayidka ah deggan yihiin.
Falkaan ay ciidamada
Ethiopia
ku kexeysteen culumaa'udiinka Tabliiqa ah ayaa imaanaya
xilli ay dhawaan ciidamada
Ethiopia
gowraceen culumaa'udiinkii ugu caansanaa Tabliiqa kadib
markii ay ugu galeen masjidka weyn ee Al-Hidaaya oo ku yaala
xaafadda Waxar Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Ciidamada
Ethiopia ayaa
dhawaanahaan waxa ay ka wadeen gudaha dalka Soomaaliya falal
ka dhan ah diinta Islaamka iyagoo badanaa beegsada xarumaha
diinta dilalna u geysta Culumaa'udiinka Soomaaliyeed.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |