Ciidamadii
Ethiopian-ka ahaa ee ku sugnaa degmada Buulo Burde ayaa
xalay halkaasi isaga baxay.
(Buulo Burde, May
07,
2008 Ceegaag Online)
Ciidamadii Ethiopian-ka
ahaa ee ku sugnaa degmada Buulo Burde halkaasi isaga baxay.
habeenimadii xalay kadib markii dadka ku dhaqan degmada
Buulo burde ayaa saaka ku waabariistay xarumihii ay
deganaayeen ciidamada
Ethiopia
oo haawanaya.
Ciidamadaan ayaa la
sheegay in ay degmada Buulo burde isaga bexeen saqdii dhexe
ee xalay iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn halka ay wajaheen.
Dadka ku dhaqan magaalada Buulo burde ayaa saakay arkay
goobihii ay magaaladaas ka deganaayeen ciidamada
Ethiopia oo
haawanaya, waxaana dadkaas oo si raxan raxan ah u socda ay u
daawasho tageen halkii ay faarujiyeen ciidamada
Ethiopia.
Qaar kamid ah dadka ku nool magaalada Buulo burde ayaa soo
dhaweeyey ka bixitaanka ciidamada
Ethiopia ee degmada Buulo burde kuwaas oo sheegay in
dhibaatooyin dhinacyo badan leh ay ku qabeen joogitaanka
ciidamada Ethiopia gaar
ahaan marka ay gudaha u soo galaan xaafaha degmada Buulo
burde.
Ciidamada
Ethiopia
ayaa maalmihii u dambeeyey waday dhaqdhaqaaqyo ciidan kuwaas
oo ay hada uga guurayaan xarumaha ay ka deggan yihiin iyagoo
fariisimo cusub ka dhigayana xarumo kale.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |