shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidamo Taageersan Maxkamadaha Islaamka oo la wareegay Gacan ku haynta Degmada Jilib.

(Jilib, May 17,  2008 Ceegaag Online)

Ciidamo Taageersan Maxkamadaha ayaa la wareegay gacan ku heynta degmada Jilib ee gobolka Jubadda hoose kadib markii ay aroornimadii saaka weerar qorsheysan ay ku qaadeen.

Xoogagga hubeysan ayaa dagaal aan badneyn waxa ay magaalada jilib kula galeen maleeshiyo horey ugu joogtay magaalada kaas oo la sheegay in uu dhaliyey dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhinacyadii dagaaladay.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa ku waramay in labo kamid ah maleeshiyaadkii horey u joogay deegmada lagu dilay dagaalka halka gaadiid dagaal oo ay lahaayeen maleeshiyaadkaas ay la wareegeen xoogagga hubeysan ee galay degmada Jilib.

Wuxuu intaas raaciyey in guud ahaan degmada Jilib ay iminka gacanta ugu jirto xoogagga Maxkamadaha islamarkaana ay bilaabeen in ay kulamo la qaataan waxgaradka iyo odayaasha ku dhaqan magaalada Jilib.

Qaar kamid maleeshiyaadkii horey u joogay degmada Jilib ayaa la sheegay in ay u baxsadeen dhinaca howdka, halka qaar kalena ay maxbuus ahaan ugu jiraan gacanta xoogagga hubeysan ee la wareegay degmada Jilib ee gobolka J/hoose.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo degmada jilib ayaa sheegaya in xaaladdu ay iminka tahay mid aad u deggan oo guud ahaan ay kala socdaan ganacsigii iyo dhaqdhaqaaqii dadka.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com