shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dagaal qaraar oo u dhexeeya Ciidamada Ethiopia iyo Kooxaha ka horjeeda ayaa ka dhacay Gobolka Hiiraan.

(G.hiiraan, May 07,  2008 Ceegaag Online)

Dagaal qaraar oo u dhexeeya ciidamada Ethiopia iyo kooxaha ka horjeeda ayaa maanta barqadii waxa uu ka dhacay meel ku dhow tuulada halgan ee gobolka Hiiraan, iyadoo weerar lagu qaaday kolonyo gawaari ciidamo Ethiopian ah ay saarnaayeen oo ka tagay degmada Buulo burde ee gobolka Hiiraan.

Wararka laga helayo Hiiraan ayaa sheegaya in daryanka madaafiicda iyo hubka noocyadiisa oo ay labada dhinac si weyn u adeegsanayeen laga maqlayey qeybo kamid ah gobolka Hiiraan gaar ahaan tuulooyin ay kamid ah tuulada Halgan ee gobolka Hiiraan.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ee kala gaaray dhinacyada dagaalamay, hase ahaatee ciidamada
Ethiopia ayaa la sheegay in ay u gubeen gobolka Hiiraaan gaar ahaan deegaanka Kalabeerka oo ay ku wajahnaayeen markii hore.

Afhayeen u hadlay kooxaha dagaalka kula jira ciidamada
Ethiopia ayaa sheegay in ay weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidamada Ethiopia islamarkaana ay khasaare ku gaarsiiyeen weerarka.

Ma jiro cid ka madax banaan afhayeenka oo xaqiijineysa khasaaraha ka dhashay dagaalka ee kala gaaray dhinacyada ku dagaalmay gobolka Hiiraan.

Ma ahan dagaalkii ugu horeeyey ee ciidamada Ethiopia iyo kooxaha ka horjeeda ku dhexmara gudaha dalka Soomaaliya tan iyo markii ay ciidamada Ethiopia gudaha u soo galeen dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

 

  

webmaster@ceegaag.com