Dawlada Somalia
ayaa talaabo wanaagsan ku tilmaantay qorshaha Qaramada
Midoobey ay xafiiskeeda ugu soo rareyso Somalia.
(Muqdisho, May 19,
2008 Ceegaag Online)
Ra'isal Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Warfaafinta Ahmed
C/salaan Xaaji Aadan ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan
tallaabadaas haboon ee Qaramada Midoobey u qaaday xalka
Soomaaliya.
Ahmed C/salaan ayaa sheegay in tani tahay fursad Soomaaliya
dib lugaheeda isugu taageyso, isagoona tibaaxay in Qaramada
Midoobey ay mar kale indhaheeda usoo jeedisay Soomaaliya.
"Waanu soo dhoweyneynaa Hadafkaas muhiimka ah, waxaana ay
noqon kartaa xalka soomaaliya, hadii UN-ka indhahooda soo
aadiyaan Soomaaliya oo ay xafiiskeeda usoo raraan Gudaha
Somalia "ayuu yiri Ahmed C/salaan Ra'iisal Wasaare
kuxigeenka Dowladda Federaalka Somalia.
Wasiirku wuxuu kaloo sheegay in tani ay sidoo kale fursad
siineyso qorshaha ciidamada nabad ilaalinta Caalamiga ah
lagu keeni lahaa Soomaaliya.
Qaramada Midoobey ayaa daraasadeynaya Qarashaadka ku baxaya
Ciidamada caalamiga ah ee badali doona Kuwa Afrikaanka ee
Amisom.
Kulan Golaha amaanka Qaramada Midoobey ka yeesheen Ciidamo
geynta Soomaaliya wuxuu isku raacay in la helo dhaqaalaha ku
bixi kara Ciidamadaas.
Ilaa iyo hada wuxuu Golaha Amaanka diyaariyay Ciidamo ka
socda Dalalka India, Pakistan iyo Bangladesh, kuwaas oo
iminka loo raadinayo dhaqaalihii ay ku howl gali lahaayeen.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |