shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dowladda Federaalka oo rajo ka muujisay Shirka ka socda Jabuuti iyo qaar ka mid ah odayaasha Hawiye oo rajo xumo ka dhawaajiyay.

(Jabuuti, May 15,  2008 Ceegaag Online)

Hogaamiyaha Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya Mr C/risaaq Ashkar oo ah Wasiirka Dib u heshiisiinta ayaa waxaa uu sheegay inuu aaminsan yahay in shirkan ka socda dalka Jabuuti oo uu u dhaxeeyo Dowladda iyo Isbaheysiga saldhigiisu yahay Magaalada Asmara ay wax ka soo bixi doonaan haddii si dhab ah labada dhinaca u wada hadlaan.

Mr C/risaaq Ashkar waxaa uu yiri, qodobada taagan ee la doonayo in laga wada hadlo waxaa ka mid ah Ciidamada Itoobiya sidii dalka looga saari lahaa, arrintaas oo weli laga hadlin balse laga hadli doono.

Laakiin Maxamed Xasan Xaad oo madax u ah garab ka mid ah odayaasha Hawiye ayaa isna waxaa uu sheegay in rajada shirkaas laga qabo ay tahay mid hoose oo niyad lahayn.

“Ma qabo in shirkaas wax ka soo bixi doonaan waayo, waxay ila tahay in aan is hor fadhiisan dadka dhab ahaan isku haayo Soomaaliya”ayuu yiri Xasan Xaad

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com