shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Qaar ka mid ah Madax Dhaqameedyada Hargeysa oo Cambaareeyay Labadii Nin ee loo gacan galiyay Ethiopia.

(Hargeysa, May 19,  2008 Ceegaag Online)

Afar iyo toban madax dhaqameed oo ka mid ah Madax dhaqameedyada koofurta Magaalada Hargeysa ayaa soo saarey bayaan ay ku cambaareynayaa xadhigga laba nin oo la sheegay in dhawaan loo gacan galiyay Dowladda Itoobiya.

Bayaankan oo ay ku saxeexnaayeen Suldaan Cali Cabdillaahi Baane, Cheif Caaqil Xuseen Xasan iyo laba iyo toban Caaqiilo iyo Cheif Caaqillo isugu jira, waxa ay ku sheegeen bayaankooda in ay si adag u cambaareynayaan qabashada labadaasi nin oo la kala yidhaa Cabdinaasir Muxumed Xuseen iyo Xariir Maxamuud Dool, waxaaney ku tilmaameen arrin ku lid ah dhaqanka iyo diinta Islaamka.

Waxa ay codsadeen in Maxkamada la horkeeno ama la sii daayo, islamarkaasna la sheego halka ay ku xidhan yihiin.

Madax dhaqameedku waxa ay intaasi ku dareen in xaasaska labadaasi nin sheegeen in ciidanka ammaanku ka kaxeysteen guryahooda bishan 12 keedii, kadibna ay war ku heleen in loo gudbiyay Dalka Itoobiya haatanna ay ku xidhan yihiin Xabsiga Magaalada Jig-Jiga.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com