Dilal kala duwan
oo maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka
Bay.
(Baydhabo, May 11,
2008 Ceegaag Online)
Mid kamid ah ilaalada
xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax ayaa ku dhintay mid kalena
waa uu ku dhaawacmay weerar ay kooxo hubeysan ku qaadeen
hoyga uu ku leeyahay magaalada Beydhabo oo xarun u ah
xubnaha barlamaanka Soomaaliya.
Weerarka oo ka dhacay
hoyga xildhibaan Qanyare oo ku yaala xaafadda Cadaado ee
magaalada Beydhabo ayaan la ogeyn cidda rasmiyan ka dambeysa,
waxaana goobta gaaray weerarka kadib ciidamada amaanka
magaalada Beydhabo.
Kooxihii weerarka ku qaaday guriga xildhibaan Qanyare ayaa
la sheegay in ay hubkii ka qaateen labada nin ee ilaalada ka
ahaa guriga Qanyare kuwaas oo midkood goor dambe uu ku
dhintay isbitaalka magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka
Bay.
Illaa iyo hadda ma jirto
cid sheegatay in ay ka dambeysay weerarka lagu qaaday guriga
xildhibaan Qanyare ee ku yaala magaalada Beydhabo ee xarunta
gobolka Bay.
Wararka qaar ayaa
sheegaya in mid kamid ah ilaalada xildhibaan Qanyare uu ka
dambeeyey weerarka inkasta oo aan warkaas weli si toos ah
loo xaqiijin.
Xildhibaan Maxamed
Qanyare Afrax oo ah xildhibaanka hoygiisa la weeraray ayaan
illaa iyo hadda wax war ah ka soo saarin weerarka lagu
qaaday hoyga uu ka deggan yahay magaalada Beydhabo.
Dhinaca kalena labo qof oo rayid ah ayaa geeriyootay kadib
markii ay rasaas ku fureen ciidamo Ethiopian ah oo ku sugnaa
magaalada Beydhabo kuwaas oo la sheegay in ay ilaalo la
ahaayeen booyad biyo u dhaamineysay ciidamada
Ethiopia.
Lama oga sababaha ay u
dileen ciidamada
Ethiopia
dadka rayidka ah hase ahaatee warar ayaa sheegaya in dilka
uu ka dambeeyey kadib markii ay ciidamada
Ethiopia
dadkaasi ka shakiyeen.
Dilalka ay dadka rayidka ah u geystaan ciidamada
Ethiopia ayaa
maalmihii ugu dambeeyey ku soo badanayey magaalada Baydhabo
ee xarunta Gobolka Bay.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |