Dilal Salka ku
haya aano qabiil ayaa kooxo hubeysan ka geysteen qeybo ka
mid ah Gobolka Sh.Dhexe.
(Mahadaay, May 03,
2008 Ceegaag Online)
Dilal salka ku haya aano
qabiil ayaa xalay kooxo hubeysan waxa ay ka geysteen qeybo
kamid ah gobolka Sh/dhexe gaar ahaan deegaano hoostaga
degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe.
Maleeshiyo beeleed
hubeysan ayaa la sheegay in ay toogasho ku dileen labo qof
oo midi ay haweeney aheyd tuulo la yiraahdo Dacar oo u dhow
degmada Mahadaay kadib markii ay maleeshiyaadkaas weerar ku
qaadeen qoys xoolo dhaqato ahaa oo ku dhaqnaa tuulada.
Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in
haweeneyda iyadoo dhaawac ah loo soo qaaday isbitaalka
magaalada Jowhar hase ahaatee ay u geeriyootay dhaawacii ka
soo gaaray tacshiiradii ay huwiyeen maleeshiyo beeleedka
hubeysan.
Xaaladda degmooyinka
Mahadaay, Biyo Cadde iyo tuulada Dacar ayaa aad u kacsan,
waxaana deegaanadaas ka jira abaabulo dagaal oo ay wadaan
maleeshiyo beeleedyo ka soo kala jeeda dhinacyadii wax dilay
iyo kuwa wax lagadilay.
Dadaal ay wadaan
waxgarad iyo odayaal ka soo kala jeeda dhinacyadaas ayaa
iyagana ka socda deegaanadaas iyo magaalada xarunta u ah
gobolka Sh/dhexe ee Jowhar, lamana oga in dadaaladaas ay
hakin doonaan dilal iyo iska horimaad dhexmara maleeshiyo
beeleedyadaas.
Degmooyinka Mahadaay iyo
Biyo Cadde ayaa waxaa ku soo laablaabtay dilal loo geysto
dad u badan xoolo dhaqato kuwaas oo loo dilo falal la
xiriiraa aanooyin qabiil.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |