shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Diyaarado dagaal ayaa dulheehaabaya hawada Magaalada Dhuuso Mareeb ee gobolka Galgaduud.

(Muqdisho, May 15,  2008 Ceegaag Online)

Wararka kaga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dadka deegaanku ay ku soo baraarugeen diyaarado dulheehaabaya hawada magaalada Dhuusamareeb oo xarun u ah gobolka Galgaduud, waxaana arrintan ay cabsi xooggan ku abuurtay dadka ku dhaqan gobolka Galgaduud.

Mid kamid ah odayaasha ku dhaqan magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in ay aad uga welwelsan yihiin waxyeelo ka soo gaarta duqeyn mar kale ay diyaaradaha mareykanku u geysteen magaalada, isagoo intaa raaciyey in dadweynuhu ay aad uga walwalsan yihiin talaabo militari oo xagga Cirka ah.

Dadka ku dhaqan qeybo ka tirsan gobolka Galgaduud gaar ahaan magaalooyinka Dhuusamareb, Guriceel iyo Cadaado ayaa waxaa ku dhaqan dad u badan kuwii ka cararay dagaalada Muqdisho kuwaas oo miciin biday gobolada dalka.

Dowladda mareykanka ayaa dhawaan duqeyn ay ka geystay magaalada Dhuusamareeb waxa ay ku dishay hogaamiye sare oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab Aadan Xaashi Ceerow, iyadoo la xusuusto in duqeyntaas ay ku dhinteen dad ka badan 30-qof oo u badnaa dad rayid ah.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com