shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dowladda Kenya ayaa xirtay xadka ay la wadaagto dalka Soomaaliya

(Mandheera, May 07,  2008 Ceegaag Online)

Dowladda Kenya ayaa xirtay xadka ay la wadaagto dalka Soomaaliya, iyadoo xuduuda ay dhinaca Soomaaliya kala wadaagto soo dhoobtay ciidamo aad u fara badan oo ah kuwa ilaaliya xuduudaha.

Dowladda Kenya ayaa si weyn u ilaalineysa xadka dalkeeda, iyadoo ka cabsi qabta in ay gudaha dalkeeda galaan dadka Soomaaliyeed ee ka barakacaya dhibaatooyinka ka jira dalka Soomaaliya, gaar ahaan dagaalada aan dhamaadka laheyn ee ka sii socda caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Wararka laga helayo magaalada Mandheera ayaa sheegaya in ay halkaas soo gaareen ciidamo aad u fara badan oo Kenyan ah kuwaas oo ka qeyb qaadanaya ilaalinta xuduudaha dalka
Kenya uu la wadaago dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha degmada Mandheera ee dhinaca Kenya Naftali Mongathia ayaa wada dadaalo uu kaga hortago dadka Soomaaliyeed ee ku sii qulqulaya gudaha Kenya kuwaas oo ka cararaya dhibka ka jra gudaha dalka Soomaaliya.

Dowladda
Kenya ayaa badanaa xirta xuduudaha ay la wadaagto dalka Soomaaliya marka ay isi soo taraan dadka Soomaaliyeed ee ku sii qulqulaya gudaha Kenya kuwaas oo ka baxsanaya dhibaatada iyo dagaalada aan hakadka laheyn ee ku sii baahaya gudaha dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

 

  

webmaster@ceegaag.com