shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay taageereyso dadaalada ay QM ku dhexdhexaadineyso dowladda KMG iyo mucaaradka.

(Washingtoni, May 26,  2008 Ceegaag Online)

Dowladda mareykanka ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajisay in ay taageersan tahay dadaalada Qaramada Midoobay ku dhexdhexaadineyso mucaaradka iyo dowladda KMG si loo soo afmeero mashaakilaadka ka jira dalka Soomaaliya.

James Swan oo ah ku xigeenka xoghaya kaaliyaha arrimaha dibadda mareykanka ayaa sheegay in dowladda mareykanku ay aad ula dhacsan tahay qorshaha ay wado Qaramada Midoobay islamarkaana ay isugu soo dhaweyneyso dhinacyada ku dirirsan dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in dowladiisu dooneyso in la soo afjaro dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya islamarkaana ay taageereyso dadaalo kasta oo lagu soo afjarayo colaadaha iyo dagaalada ka aloosan gudaha dalka Soomaaliya.

"Waa arrin wanaagsan in xiligaan ay Qaramada Midoobay dib u heshiisiin ka dhex abuuro dhinacyada Soomaalida oo muddo badan ku kala aragti duwanaa arrimaha Soomaaliya" ayuu yiri ku xigeenka xoghaya kaaliyaha arrimaha dibadda mareykanka James Swan.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmaya xilli dagaalada iyo colaadaha ka jira Soomaaliya ay sii xoogeysanayaan islamarkaana wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya uu ku boorinayo dhinacyada Soomaalida ee isku haya siyaasadda Soomaaliya in ay heshiis gaaraan.

Dad badan oo arrimaha siyaasadda indha indheeya ayaa aaminsan in dowladda mareykanka ay fara galin qaawan ku heyso arrimaha Soomaaliya islamarkaana ay gadaal ka riixeyso dowladda Ethiopia oo ciidamo fara badan ay ka joogaan dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com