Dowladda
Soomaaliya ayaa ku eedeysay Dowladda Eritrea in ay caqabad
ku tahay geeska Africa.
(Muqdisho, May 08,
2008 Ceegaag Online)
Dowladda Soomaaliya ayaa
ku eedeysay Dowladda Eritrea
in ay caqabad ku tahay geeska Africa iyo shirka dib u
heshiisiineed ee lagu wado in uu ka dhaco dalka Jabuuti
sidaa waxaa lagu sheegay war saxaafadeed uu soo saaray
agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda iyo
iskaashiga caalamiga ah ee dowladda federaalka.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowladda
Eritrea ay ku
xad gudubtay madax banaanida dalka Jabuuti kadib markii sida
war saxaafadeedka lagu sheegay ay qabsatay dhul ay leedahay
dowlada Jabuuti taasna ay tahay xad gudub weyn oo ay
Eritrea ku
sameysay madax banaanida dalka Jabuuti.
Dowladda Eritrea waxa ay
sidoo kale caqabad ku tahay shirka dib u heshiisiineed ee la
filayo in uu ka dhaco dalka Jabuuti, waxaana ay fara gelin
dhinacyo badan leh ay ku heysaa dhinacyada Soomaalida ee ka
qeyb galaya shirka ayaa lagu yiri war saxaafadeedka ka soo
baxay xafiiska agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha
dibadda iyo iskaaashiga caalamiga ah.
Dalka
Eritrea ee
dowladdu Federaalka eedeynta ay u jeedisay ayaa waxaa xarun ku leh mid
kamid ah kooxaha mucaaradka ku ah Dowladda Federaalka
Soomaaliya.
Ma ahan markii ugu
horeysay oo Dowladda Soomaaliya ay sheegto in dowladda
Eritrea ay caqabad ku tahay
danaha dalka Soomaaliya iyo kan geeska afrika, hase ahaatee
arrintaan ayaa ku soo beegmeysa xilli dhawaan la filayo in
dalka Jabuuti uu ka dhaco shir dib u heshiisiineed oo lagu
dhexdhexaadinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo
Mucaaradkeeda.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |