Duqeyn xalay uu mareynkanku u geystay magaalada Dhuusamareeb gaar ahaan guri ay ku sugnaayeen mas'uuliyiin ka tirsanaa ururka Al-shabaab ayaa waxaa ku geeriyooday Aadan Xaashi Faarax (Ceerow) iyo Sheekh Muxudiin Maxamuud Cumar.
(Dhuusamareeb, May 01,
2008 Ceegaag Online)
Aadan Xaashi Faarax (Ceerow)
Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Muqtaar Roobow ayaa xaqiijiyey in duqeyntaas ay ku geeriyoodeen labadaas mas'uul, isagoo sheegay in geerida Aadan Ceerow aaney nusqaamin doonin howlihii ay ka wadeen dalka Soomaaliya.
Wuxu tilmaamay in ay jiraan shaqsiyaad fara badan oo ay tababareen islamarkaana ay isku hadaf ahaayeen ragga geeriyooday kuwaas oo sii wadaya howlihii ay ka dhinteen mas'uuliyiinta Al-shabaab ee ku geeriyooday duqeyntii xalay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb.
"Marna ma hakin doonaan howlihii aan wadnay geerida macalin Aadan Ceerow, waana sii wadeyaa dagaalka, ilaa aan ka gaarno hadafka aan leenahay oo ah in aan ciidamada Ethiopia dalka ka xoreyno" ayuu yiri Abuu Mansuur oo ka hadlay duqeyntii uu ku dhintay Aadan Ceerow.
Duqeynta ayaa sidoo kale wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ay sheegayaan in ay dad rayid ah ku baab'een islamarkaana weli halkii la duqeeyey laga soo fagayo meydadka dadkii ku dhintay duqeyntaas.
Xaaladda magaalada Dhuusamareeb oo xalay duqeyn baahsan ay u geysteen mareykanka ayaa maanta aad u kacsan, waxaana lagu howlan yahay soo fagidda meydadkii ku dhintay duqeynta, iyadoo sidoo kale aaska dadkii ku dhintay duqeyntaas laga wado magaalada Dhuusamareeb.
Geerida Aadan Xaashi Faarax Ceerow oo kamid ahaa mas'uuliyiinta ugu sareysa ururka Al-shabaab ayaa maanta ah hadal heynta ugu badan ee magaalada Muqdisho kaas oo ku dhintay duqeyn xalay ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |