Ergada
Isbaheysiga Asmara oo ku gacan seyray hadalkii kasoo yeeray
Yuusuf Indhacade.
(Jabuuti, May 14,
2008 Ceegaag Online)
Ku xigeenka guddoomiyaha
golaha dhexe ee isbeheysiga dib u xoreynta ahna hormuudka
xubnaha ka qeybgalaya shirka Jabuuti ayaa hadal aan jirin ku
tilmaamay warkii shalay ka soo yeeray xoghayaha difaaca
isbeheysiga Asmara Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde).
Mas'uulkan oo la yiraahdo
C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in dhamaan xubnaha ku jira
isbaheysiga dib u xoreynta ay ka warqabaan shirka
islamarkaan kuwooda ku sugan gudaha Soomaaliya xitaa lagu
war galiyey, hase ahaatee aanu garaneyn sababaha uu Yuusuf
Indhacadde warkaas u sheegay.
Wuxuu xusay in Yuusuf
Indhacadde yahay xubin muhiim ah oo ka tirsan isbeheysiga
islamarkaana howlo wanaagsan ka wada gudaha Soomaaliya, hase
ahaatee aaney aheyn haddiiba ay jiraan waxyaabo uu tabanaayo
in uu warbaahinta ka sheego, basle ay aheyd in uu la soo
xiriiro mas'uuliyiinta isbeheysiga.
"Yuusuf
Indhacadde si aan ka fiirsasho laheyn buu u yiri hadalkaas,
mana ahan in shaqsi sheeganaya mas'uuliyad uu warbaahinta
hadaladaa oo kale ka sheego" ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur
oo ah ku xigeenka guddoomiyaha golaha dhexe ee isbeheysiga
dib u xoreynta Soomaaliya.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |