shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ergayga QM u qaabilsan Somalia oo saaka Jabuuti kula kulmaya Ergooyinka ka socda Kooxda Asmara.

(Djibouti, May 11,  2008 Ceegaag Online)

Ergada Isbaheysiga Asmara ayaa ku adkeysanaya inaysan la kulmi doonin Ergada kale ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ka socda, kuwaas oo Labadii Maalmood aynu soo dhaafnay ku kala sugnaayeen Labo Hotel oo ku yaala Magaalada Jabuuti.

Mowqifka ay qaateen xubnaha ka socda Isbaheysiga ayaa sabab u noqday dib u dhaca ku yimid kulankii dib u heshiisiinta ee laga dhex waday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradkeeda.

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ahmed Ould Abdallah ayaa lagu wadaa inuu saaka kulan gaar ah la qaato xubnaha ka socda Isbaheysiga si ay u aqbalaan inay la fadhiistaan Ergooyinka ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xubno ka socda Dowladda Jabuuti ayaa xalay ku booqday Hotelka ay degan yihiin Ergada ka socota Isbaheysiga Asmara, iyagoo ka codsaday inay wada xaajoodka ay la yeelanayaan Dowladda Federaalka aqbalaan si Umadda Soomaaliyeed dhibaatada looga saaro.

Haddaba lama oga kulanka saaka dhex marayo Ergayga Qaramada Midoobay iyo Xubnaha ka socda Isbaheysiga Asmara waxaa ka soo bixi doona.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com