shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Faah-faahin kazoo baxaya qasaarihii ka dhashay Madaafiic lagu garaacay Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.

(Muqdisho, May 03,  2008 Ceegaag Online)

Faah-faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaarihii ka dhashay madaafiic xoggan oo ay ciidamada Ethiopia ku duqeeyeen xaafado kamid ah kuwa ku yaala degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho halkaas oo ay ka dhalatay waxyeelo u badan dhaawac.

In ta la xaqiijiyey illaa 5-qof oo seddax kamid ah ay yihiin caruur ayaa ku waxyeeloobay madaafiicda ay ciidamada Ethiopia ku duqeeyeen deegaanada Gubta, Ciise Cabdi, Tawakal iyo xaafadda Carafaad oo intaba ka tirsan degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir.

Dadka ku waxyeeloobay weerarkaas madaafiic ayaa dhaawacooda waxaa la dhigay isbitaalka Dayniile ee magaalada Muqdisho halkaas oo iminka ay ku baxnaaninayaan dhaqaatiirta isbitaalkaas ka howlgasha.

Madaafiicda ay ciidamada
Ethiopia ku duqeeyeen deegaanadaas ayaa la sheegay in ay jawaab uga dhigayeen madaafiic fara badan oo lagu garaacay garoonka ciyaaraha oo ah mid kamid ah xarumaha ugu waaweyn oo ay deggan yihiin ciidamada Ethiopia.

Wararka saaka laga helayo deegaanadaas ayaa sheegaya in la maqlayo dhawaqa rasaas ay furaan ciidamada Ethiopia, iyadoo aaney jirin cid illaa iyo hadda dagaal fool ka fool ah kula jirta, waxaana aad u kacsan xaaladda deegaanadaas oo ay dadku ka cabsi qabaan in ay ciidamada Ethiopia ku soo faafaan.

Ciidamada Ethiopia ayaa caadiyan waxa ay duqeeyaan deegaanada ay deggan yihiin dadka rayid ah marka weeraro madaafiic ah lagu qaado xarumaha ciidan ee ay ka deggan yihiin magaalada Muqdisho, waxaana waxyeelada ugu badan ay ka soo gaartaa madaafiicdaas dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaanadaas oo ay ka barakeceen dadka badankii.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

 

  

webmaster@ceegaag.com