shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Gaari Booyad ah oo ay lahaayeen Ciidamada Ethiopia ayaa lagu qarxiyay isgoyska Towfiiq.

(Muqdisho, May 10,  2008 Ceegaag Online)

Iska horimaad u dhexeeyey ciidamada Ethiopia iyo kooxaha ka horjeeda ayaa ka dhacay hareeraha isgoyska Towfiiq kadib markii la qarxiyey gaari Booyad ah oo ay lahaayeen ciidamada Ethiopia.

Iska horimaadka oo ahaa mid socday muddo daqiiqado ah ayaa waxa uu ka dambeeyey kadib markii la qarxiyey gaari booyad ah oo biyo u dhaamin jirtay ciidamada Ethiopia meel ku dhow isgoyskii hore ee taleefishinka xaafadda Towfiiq ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in iska horimaadku uu ku baahay inta u dhexeysa isgoyska Towfiiq illaa isgoyska Carafaad ee wadada warshadaha halkaas oo ay si joogto ah u isticmaalaan ciidamada Ethiopia ee fariisinka ku leh xaruntii hore ee warshadda Baastada.

Si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay iska horimaadka marka laga reebo qarax lala haleelay gaariga booyadda ah ee biyaha u dhaamin jirtay ciidamada Ethiopia ee ku sugan xaruntii hore ee warshadda Baastada.

Xaaladda ayaa iminka caadi ah, mana jiro wax iska horimaad ah oo hadda socda, hase ahaatee waxaa la maqlayaa rasaas teel teel ah oo u muuqata in ay ridayaan ciidamada Ethiopia ee ku sugan inta dhexeysa xaafadda Carafaad illaa warshaddii hore ee Baastada.

Gawaarida ciidamada Ethiopia ee qaraxyada lala beegsado ayaa ku soo kordhaya magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kale ay jiraan weeraro aan dhamaad laheyn oo ay kooxaha ka horjeeda ciidamada Ethiopia ku qaadaan saldhigyada ay ciidamada Ethiopia ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com