Gantaalo
aan la aqoon cidda soo riday oo xalay ku dhacay qeybo kamid
ah gobolka J/dhexe
(Saakow, May 26,
2008 Ceegaag Online)
Duqeyn ayaa xalay loo
geystay deegaano ka tirsan gobolka J/dhexe gaar ahaan inta u
dhexeysa degmooyinka Saakow iyo Jilib, iyadoo ay soo
baxayaan in uu jiro khasaare ka dhashau duqeyntaas.
Wararka laga helayo degmada
Saakow ayaa tibaaxaya in xalay abaaro 8:00 fiidnimo la
maqlay daryan xooggan iyo iftiin meelo badan oo kamid ah
gobolka J/dhexe laga arkayey, waxaana wararku ay intaas
raacinayaan in walxo lagu qiysaaday gantaalo ay ku dheceen
inta u dhexeysa degmada Saakow iyo tuulo la yiraahdo
Shuwaarey.
Si cad looma oga cidda soo
riday gantaalahaas, hase ahaatee dadka ku dhaqan gobolka J/dhexe
qaarkood ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka mareykanka ay
duqeyeen deegaanaas, iyagoo sheegay in duqeynta ka hor ay
arkayeen diyaaradaha mareykanka oo joog hoose ku duulaya.
Warar goor dhow soo baxay
ayaa sheegaya in dad xoolo dhaqato ah ay ku geeriyoodeen
duqynta inkasta oo aan warkaas illaa iyo iminka si toos ah
loo xaqiijin.
Dadka ku dhaqan deegaano
badan oo ka tirsan gobolka J/dhexe ayaa wel wel ka muujiyey
duqeyn loo geysto deegaanada ay ku dhaqan yhiin, waxaana ay
ku baaqeen in dadka maatida ah laga daayo duqeynta.
Diyaaraha dagaalka
mareykanka ayaa dhowr mar duqeeyey deegaano ay ku nool
yihiin dad xoolo dhaqato ah, iyadoo dhowr jeer duqeyntaas ay
ku waxyeeloobeen dad u badan xoolo dhaqato.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |