Gobalada Cusub ee uu Riyaale
ku dhawaaqay oo qaarkood loo caleema saaray Gobolnimo,
Buuhoodle iyo Badhan oo aan lahadal heyn.
(Hargeysa, May 03,
2008 Ceegaag Online)
Waxaa
loo Caleema saaray Gobolnimo Magaalada qadiimiga ah ee
Saylac loona bixiyay Saraar, xafladan oo siwayn loo soo
agaasimay ayaa waxay ka dhacday Magaalada Saylac iyadoo loo
caleema saaray Gobalnimada loo Magacaabay uuna umaga caabay
Madaxweyanaha Somaliland daahir riyaale
Waxaa ka qayb qaatay xaflada
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland C/llaahi Ismaaciil Cirro
iyo Waftigii uu hogaaminayay oo ay ka mid ka ahaayeen
Wasiirka Dib u dajinta Somaliland Abshir iyo Wasiirka Hidaha
iyo Dalxiiska Somaliland C/risaaq Waaberi iyo Wasiir ku
xigeenka Wasaarada Horumarinta iyo deegaanka
Magaalada Saylac waxay kamid ahayd lix magaalo oo lagu
dhawaaqay in ay noqonayaan gobalo cusub oo kusoo biray
Jamhuuriyada La Magacbaxdey Somaliland.
tan
iyo intii lamagacaabay gobolada cusub waxaa soo baxay ismaan
dhaaf ka dhashay magacaabista Gobalada Saraar, Oodweyne,
Buuhoodle, Badhan,Caynabo,iyo Gabileey.
Si
kastaba ha ahaatee waxaa loo caleema saaray gobalnimo ilaa sadex
magaalo oo kala ah caynabo,oodwane,iyo saraar iyadoo muran
uu ka jiro magaalada gabiilay kharashkii loogu talagalay in
lagu caleemo saaro gobal kaasi
Dhinaca kale waxaa lasoo hadal qaadin gobalnimadii lasiiyay
Magaalooyinka Badhan iyo Buuhoodle oon haatan aan gacanta
ugu jirin Somaliland ayna ka taliyaan dadka Deegaanka ilaa
hada ma muuqdaan Caleema saarka labada gobal ee Xukunka
Somaliland gaarsiisneen.
Xafiiska Wararka Ceegaag.com
Hargeysa
webmaster@ceegaag.com |