Hadii aad cunto
Tufaax Maalin walba Hurdada ka hor ma uu heli doono
Dhakhtarku wax uu ka shaqayo!!!! Iyo maxaa ku ogaysiiyay
Timirtu waxay tahay iyo faa’iidooyinkeeda!!!!!
(Somalia, May 10,
2008 Ceegaag Online)
Mahad iyo
amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh, Rabiga Caalamiinka,
amaan iyo nabad gelyona ha ahaato korkiisa Rasuulka Allaah
iyo Ahalkiisa iyo Asxaabtiisa iyo mid kasta oo maray
Jidkiisii oo ku hadaysma Hanuunkiisa ilaa iyo Maalinta
Qiyaamaha
Intaas ka dib:
Iyada oo
dhamaanba waxa la cunaa ha ahaato Khudrad, Midho iwm ay u
leeyihiin faa’iidooyin badan oo kala duduwan Jidka Noolaha
ayay hadana sii kala mudan yihiin oo qaarkood ay ku sugan
yihiin faa’iidooyin aad u balaadhan oo aan la koobi karayn,
sidaas darteed ayaan waxan jeclaystay bal in aan intii
Allaah iiga yasiro aan ka soo qaadano dhowr Qoraal wax
yaabaha la cuno ee aadka u faa’iidada badan, Maantana hadii
Allaah tacaalaa inoo idmo waxan ka hadli doonaa labadaa aan
kor ku xusnay, waana sida tan:
Hadii aad CuntoTufaax Maalin walba Hurdada ka ma uu heli
doono Dhakhtarku wax uu ka shaqayo!!!!
Waxa jirta
Xikmada hore oo tidhaahda “hadii aad cunto Tufaax Maalin
walba Hurdada ka hor waxa uu waayi Dhakhtarku wuxuu ka
shaqayo” waana tan aan cinwaanka uga dhigay Qoraalkan.
Hadaba Tufaaxu waa Midho qooya oo u fudud Xiidmaha
faa’iidana leh, waxaa ku jira 100ka gram ee Tufaaxa ah:
85%
miisaankeeda oo Biya ah
12% oo Sonkor
ah
40 unit oo ah
Vitamin B1
90 unit oo ah
Vitamin A
20 unit oo ah
Vitamin C
iyo wax badan
oo Mineral Salts ah sida Potassium, Calcium, Phosphorus iyo
Iron, waxa kale oo uu hodon ku yahay Fibres ka
Faa’iidooyinka uu Tufaaxu leeyahay
1-Tufaaxa
waxa ku jira Madada la yidhaahdo Pectin taas oo sahasha ka
saarista Dacarta iyo Gases ka Caloosha
2- waxa uu
dejiyaa oo yareeyaa Qufaca wuxuuna fududeeyaa soo saarista
Balqamka
3- waxa uu
joojiyaa in ay kor u kacdo Cholesterol Dhiiga ku jirtaa
4- waxa uu
faa’iido u leeyahay Beerka, Kelyaha iyo Beeryarada isaga oo
u fududaynaya Shaqooyinkooda
5- waxa uu
taageeraa deganaanshaha Dhiiga
6- waxa uu
daweeyaa Calool Fadhiga iyo Shubanka
7- waxa uu
taageeraa burburinta Dhagxanta Kaadjahaysta ku samaysanta
iyo faa’iidooyin badan oo aynaan halkan ku soo koobi Karin.
Dhakhaatiirtu waxay ku taliyaan in uu Qofku cuno Maalintiiba
laba Xabo oo Tufaax ah.
Waxaa jirta
Maahmaah Shacbi oo tidhaahda: qaado Maalintii Xabad Tufaax
ah wuu kaa foogaanayaa Xanuunku weligiiba
Waxay ka
baxaan inta badan noocyada Midhuhu Geedo leh Jirid Qori ah
oo la yidhaahdo Dhir, hase yeeshee waxaa jira qaar noocyada
Midhaha sida Mooska iyo Strawberry ga oo ka baxa Geeda aan
lahayn Jirid Qori ah markaas kuwaas laguma tiriyo Dhirta.
Dhirta waxa laga beeraa meela kala duwan oo Aduunka ah
waxana loo beertaa Adeegsiya kala duwan, ha ahaato
Midhahooda oo laga faa’iidaysto, in la hadhsado, in Qurux
ahaan loo beerto, in ay Dabaysha laysaga dhigo iyo
arima kale oo Tijaarada la
xidhiidhaba
Dhir waliba
waxay leedahay arimo u gaar ah taas oo ka yeesha inay Goobo
Aduunka ka mid ah ka baxdo Goobona aanay ka bixin, tusaale
ahaan Dhirta ka baxda Dhulka Qabow kama baxdo Dhulka Kulul,
hadaba Tufaaxu hore Dhulkeena ugama bixi jirin, laakiin
Beryahan dambe waa la beeray oo kolay intaan anigu u war
hayo waxa aad looga beeray Ceerigaabo iyo Hareereheeda waana
Beeritaan weli koraaya oo u baahan in tayadiisa kor loo
qaado.
Tufaaxa iyo Waqtiga Dayrta
Hadii ay
jirto in Midhuhu leeyihiin Waqti go’an oo ay soo go’aan
Sanadkii sida Xabaxabka oo soo go’a Waqtiga Xagaaga waxaan
shaki ku jirin in ay Dayrtu tahay Waqtiga uu soo go’o
Tufaaxu, Tufaaxu wuxuu leeyahay noocyo badan oo ku kala
duwan xaga Midabka, Dhadhanka iyo Adayga iyo Jilayca, kala
duwanaantaasu waxay ka dhigaysaa Tufaaxa Midha soocan oo loo
baahan yahay ha ahaato in la cuno Waqtiyada Cuntada inta u
dhexaysa ama ha loo isticmaalo sida Casiirka ama ha laga
samaysto Macmacaan ee
Sidaan hada soo sheegnay noocyada Tufaaxu way badan yihiin
waxa ka mid ah:
1- Tufaaxa
Cas ee Mareekanka iyada oo uu yahay kan ugu badan ee Aduunka
loo dhoofiyo ayaa uu yahay Aragiisu mid ka wanaagsan
Cunistiisa yacni xaga Cunista waa lagaga wanaagsan yahay oo
Tufaaxa noocaas ah waxa aad u adag Diirkiisa oo ay
qalafsantahay Calalintiisu, laakiin Cadkiisa hoose ayaa waxa
ku badan Biyaha iyo Sonkorta taas oo ka dhigiisay in uu ku
wanaagsan yahay Casiirka
2- Tufaaxa
Cagaaran, noocan waxa ka dambaya guulihiisa iyada oo ay isu
miisaaman tahay Dhanaankiisa iyo Macaankiisu, wax yaabaha u
gaarka ah ee uu leeyahay waxay tahay in aanu u xumaan
dhakhso waxana suura gal ah in lagu ilaaliyo Qabow mudo
gaadhaysa 6 Bilood, noocan badanaa ma jecla Dadku cunistiisa
Qalafsan awgeed iyada oo uu dhadhankiisu macaan yahay noocan
ayaanu hadana Biyaha oo ku yar awgeed ku haboonayn Casiirka,
waxa badanaa loo adeegsadaa noocan Macmacaanka la kariyo
3- Tufaaxa
Hurdiga ah noocan oo ah mid aad loo jecelyahay Diirkiisa
jilicsan iyo Cadkiisa jilicsan ee sida fudud loo cuni karo
awgeed, wuxuuna leeyahay Biyo aad u badan, Dhadhankiisa
gaarka ah iyo Midabkiisa Dahabiga ah iyo Midhihiisa waawayn
ayaa waxay ka dhigayaan mid aad Dadku aad u jecel yihiin wax
kasta oo lagu sameeyona ku wanaagsan ama ha ahaato Casiir
ama Macmacaan ee umana baahna in wax Sonkor ah lagu daro,
laakiin noocanu hadii aan Talaagada lagu ilaalin dhakhso
ayuu u xumaadaa Diirkiisuna wuxuu yeeshaa duuduub
Shanta sababood ee ugu muhiimsan ee ay tahay in Tufaaxa loo
cuno Maalin walba
1- Quudin
Caafimaad ah: Tufaaxa cunistiisu way fududahay waana macaan
yahay waxaadna ka helaysaa Awooda Jidhkaagu ku shaqayo mana
laha wax Dufan ah haba yaraatee
2- Wadnahaaga:
waxay cadayeen Diraasado badan inay ku jirto Tufaaxa Maadad
saamaynta xun ka ilaalisa Jidhka ee Maadada xun ee
Cholesterol taas oo ku soo ururta Xidida Dhiiga ee Jidhka
3-
Calooshaada: Tufaaxa waxaa ku jirta Xabada Tufaaxa ah ee uu miisaankeedu
yahay dhexdhexaadka Shan meelood oo meel Fibres ka uu u
baahan yahay Jidhkaagu Maalintii ee u ah lagama maarmaan
nadiifinta Mashiinka Cuntada raqda
4-
Sanbabadaada: Xabad Tufaax ah oo la Cuno Maalin kasta waxay
xoojisaa shaqada Sanbabada waxayna yaraysaa Suurtagalada ah
in uu Cancer ku dhoco Sanbabka
5- Lafahaaga:
waxa ku jira Tufaaxa Maadad xoojisa Lafaha yaraysana
Suurtagalka ah inay jilicaan oo burburaan Lafuhu
Maxaa ku ogaysiiyay waxa ay tahay Timirt iyo
faa’iidooyinkeeda!!!!
Timirtu waa
Midhaha aynu wada naqaano ee ka baxada Dhulka Lamadegaanka
ah, Dhulkeenana meelaha qaarkood ka baxada in kasto oo aanu
badnayn tayadiisuna fiicnaynayn uuna u baahan yahay in si
Cilmiyaysan looga shaqayo, Midhahan iyo Geedka ay ka baxaan
in badan baa lagu soo qaaday Quraanka Kariimka ah iyo Sunnah
ba, waa Midhaha Allaah tacaalaa ku badbaadiyay Ummadaha dega
Dhulkaa Lamadegaanka ah Aduunka oo dhan aadka looga jecel
yahay waxan soo qaadanaynaa oo keli ah hal Xadiith oo ka
sugnaaday Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam oo
ina tusinaya Ahmiyada ay Midhahanu leeyihiin wuxuuna yidhi:
{لا
يجوع أهل بيت عندهم التمر [صحيح الجامع الصغير]}
{ma
gaajoodo cida ama Ahalka ay Gurigooda taalo Timiri}
waxaa inoogu cad Xadiithkan ahmiyada ay leedahay Timirtu bal
markaa aan eegno faa’iidooyinka ay leedahay Cilmi ahaan
waana sidan:
Faa’iidooyinka ay leedahay Timirtu
1- waxay
dhintaa Heerka Cholesterol ka Dhiiga waxayna ka ilaalisaa
Xidida Dhiiga qaada Qalafsanaanta waayo waxa ku jira Timirta
Maadada Pectin
2- waxay
joojisaa inay ku dhacado Xiidmaha Cancer waxayna kaa
ilaalisaa Xanuunka Bawaasiirta, waxayna yaraysaa Dhagxanta
ku dhasha Kaadjahaysta, waxay fududaysaa Marxaladaha Uurka
iyo Dhalmada iyo Dhiiga ka dambaya waayo waxaa ku jira
Fibres aad u wanaagsan iyo Sonkoro dhakhso u raqdama
3- waxay ka
joojisaa Ilkaha in Suus galo waayo waxa ku jirta Maadada
Fluoride
4- waxay ka
ilaalisaa Jidhka Sumaha waayo waxaa ku jira Maadooyinka
Sodium, Potassium iyo Vitamin G
5- waxay
daawaysaa Dhiig la’aanta waayo waxaa ku jira Maadooyinka
Iron, Copper iyo Vitamin B2
6- waxay
daawaysaa jilayca Lafaha oo waxa ku jira Maadooyinka
Calcium, Phosphorus iyo Vitamin A
7- waxay
daawaysaa Appetite la’aanta iyo Fiirsashada oo waxa keenaysa
Maadada Potassium ka ee ku jirta
8- waxay
daawaysaa Itaaldarada guud ahaan iyo Wadnaxanuunka oo waxa
ku jirta Maadada Manganicium iyo Copper
9- waxa ku
jirta Madada Salinium oo ka hortagta Cancer ka sidaas
darteed baan Dadka ku nool meelaha Beeraha Timirtu u aqoon
Cancer ka
10- waxa ku
jirta Madad daawaysa Itaaldarada xaga Galmada
11- waxaa ku
jirta Maadada Poron oo daawaysa Rheumatism ka iyo Cancer ka
Maskaxda
12- waxay
daawaysaa Qalaylka Dubka iyo Indhaha Guruxooda waayo waxaa
ku jirta Maadada Vitamin A
13- waxay
daawaysaa Xanuunada ku dhaca Mashiinka Cuntada raqda waayo
waxaa ku jirta Maadada Vitamin B1
14- waxay
daawaysaa Timaha daata iyo Daalka Indhaha iyo Qalaylka Afka
iyo Infection ka Bushmaha waayo waxaa ku jira Maadada
Vitamin B2
15- waxa ku
jirta Maadad daawaysa Infection ka Dubka
16- waxay
daawaysaa Dacarta Caloosha waayo waxa ku jira Maadooyinka
Chlor, Sodium iyo Potassium
17- waxay
daawaysaa Xanuunada Ciridka waayo waxa ku jirta Maadada
Vitamin G.
Guud ahaan
Timirtu waa Cuntooyinka ku hodonka ah Maadada Mangnesium ka
taas oo Jidhka ka ilaalisa Xanuunka Cancer ka, waxayna kale
oo saamayn wayn ku leedahay dejinta Acsaabta Dadka qaba
Xanuunka Acsaabta, waxaa ku jira Iron iyo Calcium isku
dhafan si dabeeci ahaan ah oo uu Jidhku u leqaayo oo u
ogolaanaayo si fudud, waxaas oo dhan Timirta ayaa leh,
waxaan idiin rajaynayaa Caafimaad
Wabillaahi atowfiiq
Essa
Mohamoud
almutawaadic@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |