Hay'adda Amnesty
International ayaa ku eedeysay Jasiirada Malta in ay si xun
ula dhaqanto muhaajiriinta Soomaalida ah
(Malta, May 31,
2008 Ceegaag Online)
Hay'adda
Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty international ayaa si weyn u
cambaareysay maamulka Jasiirada Malta qaabka xun oo ay ula
dhaqmaan dadka muhaajiriinta ah gaar ahaan kuwa Soomaalida
ah ee sida tahriibka ah ku gala dalkaasi.
War qoraal ah
oo ka soo baxay hay'adda Amnesty international ayaa lagu
sheegay in muhaajiriin doonayey in ay ka talaabaan Jasiirada
Malta ay maamulka jasiiradaasi xirxireen halka kuwo kale oo
ku go'doomay badda ay maamulka jasiirada Malta ku
guuldareysteen in ay badbaadiyaan.
Sidoo kale
hay'adda ayaa ku dhaliishay jasiirada Malta in ay so weyn
ugu xadgudbaan qawaaniinta caalamka ee dhinaca qaxootiga,
iyadoo sidoo kalena warbixinta lagu sheegay in ciidamada
Malta
ay dadka muhaajiriinta dib u celiyaan.
Hay'adda
Amnesty international ayaa sheegtay in loo baahan yahay in
maamulka jasiirada Malta ay badalaan hab dhaqankaas oo y
badbaadiyaan dadka muhaajiriinta ah ee naftooda ku qatar
galinaya badda.
Jasiirada
Malta
ayaa kamid ah goobaha ay sida weyn u istcimalamaan dadka
muhaajiriinta ah ee doonaya in ay u talaabaan dalalka Yurub,
iyagoo naftooda qatar ku galinaya badda.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |