shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Hay’adda UNHCR oo ugu baaqday Beesha Caalamka in ay u istaagaan sidii xal loogu helilahaa Somalia.

(Nairobi, May 21,  2008 Ceegaag Online)

Hay'adda UNHCR ayaa ku boorisay beesha caalamka in ay ka shaqeeyaan sidii xal loogu heli lahaa mashaakilaadka ka jira dalka Soomaaliya ee barakiciyey kumanaan Soomaali ah kuwaas oo iminka qaxooto ku ah dalal caalamka ka tirsan.

Antonio Guterres oo ah sargaal ka tirsan hay'adda UNHCR ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay u istaagan sidii xal waara looga gaari lahaa Soomaaliya si buu yiri loo yareeyo qaxootiga Soomaaliyeed ee maalinba maalinta ka dambeysa ka cararay dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in beesha caalamka looga fadhiyo in ay far gelin ku sameyso xaaladaha sii cakirmaya ee ka jira dalka Soomaaliya, isagoo intaa raaciyey in ay sii kordhayaan dadka Soomaalida ah ee naftooda qatarta ku gelinaya dalka Soomaaliya.

"Dhibaatada Soomaaliya si saf mareen ah ayey gobolka oo dhan saameyn ugu yeelan doontaa, haddii aan si deg deg ah wax looga qaban" ayuu yiri sargaalka oo sii hadlayey.

Wuxuu sheegay in beesha caalamku ay ka gaabisay xal ka gaarista arrimaha ka soconaya dalka Soomaaliya kuwaas oo sababay in dad badan oo Soomaali ah ay naftooda halis ku geliyaan badaha iyagoo isticmaalaya doonyo yar yar.

Hadalka sargaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli dalka Yemen ay ka soconayaan kulamo looga arrinsanayo sida lagu yareyn karo dadka qaxootiga ah ee ka soo talaabayaha badaha iyagoo naftooda soo biimeynaya.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com