shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Hay'adda Amensty International ayaa markale Cambaareysay Xadgudubyada ka dhacay Dalka Somalia.

(Nairobi, May 07,  2008 Ceegaag Online)

Hay'adda Amensty International ayaa sheegtay in loo baahan yahay in baaritaan lagu sameeyo kaalinta ay dawladda Maraykanka ku leedahay xadgudubyada ka dhanka ah xaquuqda aadanaha iyo dambiyada dagaal ee ka dhacaya dalka Soomaaliya.

Warbixin ay Hay'adda mar labaad soo saartay wax ka yar 24-saac ayey ku sheegtay in beesha caalamka looga fadhiyo in ay baaritaan ku sameeyaan xadgudubyada iyo falalka ka dhanka ah bini'aadanimada ee ka dhacaya dalka Soomaaliya.

Hay’adda ayaa warbixino laga soo ururiyay dad Soomaali ah oo ka qaxay dagaalada Muqdisho waxa ay ku sheegtay in ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda fFderaalka Soomaaliya ay falal liddi ku ah xuquuqda aadanaha u geysteen qoysas shacab ah oo ka barakacay magaalada Muqdisho kuwaasoo ku dan darraysayn goobo ay deegaano ka dhigteen oo ku yaalla afaafka magaalada Muqdisho.

Hay'adda ayaa sheegtay in gabar lagu magacaabo Haboon oo ka mid ah qoysaska ka barakacay magaalada Muqdisho ayay hay’adda u xaqiijisay in ciidamada Ethiopia ay kufsi wada jir ah u geysteen gabar 17 jir ah oo deris la ah, waxayna intaa ku dartay in wiilal la dhashay gabadha oo da’doodu u dhexeysay 12-13 oo isku dayay inay difaacaan gabadha walaahood ahna ay ciidamada Ethiopia baynaad kaga bixiyeen labada indhood.

"Mareykanku wuxuu tababarro siiyaa ciidamada Ethiopia ee falalka ka dhanka ah xaquuqda aadahana ka geysta Soomaaliya, waxaa sidoo kale uu dhaqaale ku bixiyaa ciidamada Ethiopia" ayey hay'addu ku tiri warbixinta ay ka soo saartay dalka Soomaaliya.

Ciidamada
Ethiopia ayey hay'addu ku eedeysay in dagaalladii ugu dambeeyay ee dhex maray iyaga iyo xoogagga ka soo horjeeda ay gowraceen tiro dad ah oo u badan culimaa’udiin oo ay ku weerareen masjid ay ku cibaadaysanayeen.

Warbixinta ay soo saartay hay'adda Amnesty International ayaa noqoneysa tii labaad ee ay soo saarto hay'addu wax ka yar muddo 24 Saacadood.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

 

  

webmaster@ceegaag.com