Hooyo uur leh
iyo labo canug oo ay dhashay oo cudurka shubanka ugu
geeriyooday magaalada Jowhar.
(Jowhar, May 20,
2008 Ceegaag Online)
Cudurka shubanka ayaa seddax ugu geeriyoodeen gobolka Sh/dhexe
xaruntiisa magaalada Jowhar, iyadoo ay sii kordhayaan dadka
uu soo ridanaayo cudurka shubanka ee ka dilaacay qeybo badan
oo kamid ah gobolka Sh/dhexe.
Dadka u dhintay cudurka
shubanka ayaa la sheegay in ay ahaayeen hooyo uur leh iyo
labo caruur ah oo ay dhasay kuwaas oo uu soo ritay cudurka
shubanka kadibna ay ugu geeriyoodeen isbitaalka Inter SOS ee
magaalada Jowhar.
Mid kamid ah
dhaqaatiirta isbitaalka Inter SOS ayaa sheegay in ay sii
kordhayan xadiga dadka uu soo ridanayo cudurka shubank,
isagoo dadka ubu baaqay in ay xilli hore yimaadeen
isbitaalka marka ugu horeysa oo ay isku arkaan calaamadaha
cudurkaas.
"Dhibka ugu weyn waa
dadka oo aan goobaha caafimaad tageynin marka uu haleelo
cudurka, waxaana u soo jeedinayaa dadku in ay goobaha
caafimaad soo gaaraan marka ay isku arkaan calaamadaha
cudurka" ayuu yiri mid kamid ah dhaqaatiirta isbitaalka
Inter SOS ee magaalada Jowhar.
Wararka laga helayo
magaalada Jowhar ayaa sheegaya in isbitaalka Inter SOS ay
iminka jiifaan dad badan oo la xanuunsanaya cudurka shubanka
oo maalmo ka hor soo ritay.
Si kastaba ha ahaatee
qeybo badan oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe ayaa iminka waxaa
ka jira cudurka shubanka, iyadoo ay sii badanayan dadka
maalin kasta uu cudurkaas soo rito.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |