Hub ka
dhigis lagu sameeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda KMG oo
ku sugan Magaalada Baydhabo.
(Baydhabo, May 13,
2008 Ceegaag Online)
Wararka laga helayo
magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in mas'uuliyiin ka tirsan
dowladda oo ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle lagu
sameeyey hub ka dhigis kadib markii saraakiisha Ethiopian-ka
ah ee ku sugan magaalada Beydhabo ay sidaa amreen.
Mas'uuliyiinta hub ka
dhigista lagu sameeyey ayaa waxaa kamid ah guddoomiyaha
Barlamaanka Sheekh Aadan Madoobe iyo Maxamed Ibraahim
Xaabsade, waxaana gaadiidkii iyo hubkii lagala wareegay la
isugu geeyey xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo.
Wararkan la xiriira
hubka dhigista lagu sameeyey mas'uuliyiintan ayaa ah mid aan
weli si fiican u soo shaac bixin, waxaana wararka laga
helayo magaalada Baydhabo ay sheegayaan in murano arrintaan
salka ku haya ay ka jiraan magaalada Beydhabo.
Magaalada Beydhabo ayaa
wararka laga helayo ay sheegayaan in ay ka socdaan kulamo
gaar gaar ah oo ay yeelanayaan beelaha Digil iyo Mirifle oo
arrinta hub ka dhigista salka ku haya.
Dhawaan ayey aheyd
markii Ra'isul wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) uu hub
ka dhigis ku sameeyey guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna
duqa Muqdisho Maxamed Dheere iyo Ku-xigeenkiisa C/fataax
Shaaweeye lamana oga in arrimahaan ay yihiin kuwa xiriir leh.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |