Ilaa Afar
Nin oo Soomaali ah ayaa maanta Maxkamad lasoo taagayaa Dalka
South Africa.
(Johannesburg,
May 05,
2008 Ceegaag Online)
Ilaa afar nin
oo Soomaali ah ayaa maanta maxkamad lasoo taagayaa ku taala
dalka South Africa gaar ahaan gobolka
Eastern Cape,
3 ka mid ah ayaa loo heystaa dhac iyo dhaawac ay u geysteyn
nin Soomaali ah oo ay dukaankiisa u dhaceen.
30-kii April,
ayaa Xilli habeenimo ah waxaa ciidamada Police-ka ee
Magaladda Humansdorp oo ku jooga kolonyo baabuur ah oo
gaaraysa 40 baabuur oo nooca Dagaalka iyo raxan eeyo ah,
isla markaasina adeegsanaya 2 dayuuradood oo nooca qumaatiga
u kaca ah ee Helicopters-ka loo yaqaano ah, iyagoo waliba
kaashanaya xubnaha maamulka Jaalliyada Gobolka Eastern Cape oo
gawaari ku joogey ayaa waxa ay baacsadeen oo ay gacanta
kusoo dhigeen illaa 3 nin oo Soomaali ah, kuwaas oo dhac
iyo dhaawac u geystey wiil Soomaaliyeed oo inta ay
dukaankiisa uhoydeen kadibna lacago ka dhacay, kadibna
garabka ka toogteen.
Dhinaca kale
Maamulka Jaalliyada Soomaaliyeed ee Eastern Cape oo ka
warheshay markiiba arrinta ayaa wargaliyey Police-ka, oo
sidaasi layaabka leh oga jawaabay, sida la sheegey mid ka
mid ah tuugada Soomaalida ah ee la qabtay ayaa ku cararay
xeebta, kuna dhuuntey dhagax hoostiis, balse eey meeshaasi
kasoo saartey dayuurad Helicopter ah oo nal ku qabatay, mid
kale ayaa waxaa soo qabtay raxan Eeyo tababaran ah, Qofka
afaraad oo ka mid ahaa Soomaalidii ciidanka caawineysay oo
gurmadka ku jirtey , ayaa Police-ka waxa ay gaarigiisii ka
dhex heleen qori sharci darro ah, kadibna waa la xirey,
balse waxaa la ogaaday in qorigu uu ahaa mid ka dhacay
Burcada Soomaalida ah markii ay baxsaneyeen, Dhamaantood
ayaa maanta maxkamad lasoo taagayaa, halka wiilkii la dhacay
dhaawacana ahaa (Khaliid Daahir) uu hadda ku jirro Hospitaal
ku yaala Magaalada P.E xaaladiisana ay wanaagsantahay,
Sida
uu ii Xaqiijiyey Mudane Muxuyadiin Nuur Jilley oo ah Madaxa
maaliyada Jaalliyada ee gobolkaasi oo goob joog ahaa marka
raga la qabanayay, nimanka ayaa ah kuwa lagu yaqaano
buurcadnimo, waxaa la sheegey habeen ka hor habeenka ay
falka geeysanayaan, ayaa la sheegey in ay sidoo kale dhac u
geysteen wiil Soomaaliyeed oo meel mac-macaan ah ku leh
faras magaalada P.E oo goor xilli dambe oo habeen ah ka
codsaday in ay dhaweeyaan. Balse ay dhexda ku dhaceen. Mid
ka mid ah raga ayaa sidoo kale la sheegey in uu sanad ka hor
dhac ka geystey dukaan sidani oo kale uu ku hoydey.
Arrintani
ayaa waxaa cambaareeyey Soomaali baddan oo maqashay,
waxayna sheegeen in ragani ay ku tunteen sharaftii
Soomaaliyeed, sidaasi darteedna aysan wax boos oga banaaneyn
Soomaalida dhexdeeda.
Si katsba ha
ahaatee Waa markii ugu horeysey oo rag Soomaali ah ay
dhacaan ama dhibaato kale u geytaan Soomaali kale,
kiiskanina waxa uu soo jiitey dareenka Saxaafada dalka oo
wax ka qortey, taasina waxay cadayn u tahay sida uu xasaasi
u yahay, iyo waxa uu ka turjumayo oo aan ahayn wax ay
Soomaali jeceshahay in ay maqlaan.
Hassan Yeey
Johannesburg, South Africa
yeey18@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |