shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

In Ka Baddan 40 Qofood oo Soomaali ah oo Xabsiga loo Taxaabey Dalka South Africa.‏

(Johannesburg, May 22,  2008 Ceegaag Online)

Waxaa Maanta  hareyeey dalka Koonfur Africa gaar ahaan ee Magaalada Johannesburg   dhibaato Weyn oo Sameysay guud ahaan Soomalida   ku dhaqan magalada Johannesburg ka dib rabshado uu dhaxaeyey Booliska dalka S/Africa iyo  Soomaalida ku dhaqan Xaafada Mayfair ee magaalada Johannesburg oo Galaaftey  In Ka Badan 40 qofood Oo Soomaali ah,

Waxaa Maanta  Koox  Booliska ah S/Africa  u dhashey ay soo galeen xafada soomalida  ay ka dagto magalada Johannesburg  Ee Mayfair halkaaso ay   ka bilaabeen In ay weydiyaan  sharciga  wadanka lagu joogo   Soomalida…  Taaso dhalisey iska horimaad u dhaxeeyaa Booliska & Soomalida   Oo Qaasaro Baxad weyn  leh geystey, iska horimaadkani   ayaa ka danbeyey ka  gadaal markii koox Boolis ah lagu wareeray dhagaxaan    lagana dhawaacey mid ka mid ahaa  Booliska , Taaso dhalisey in  ay Booliska Uu Qaylo dhaantan  Baabuurta dagaalka Ee wadanka S/Africa iyado gabi ahaanba xabsiga loo dhadhaacshey in ka baddan ilaa 40 qofood Oo Soomali ah oo ku sugna isla xafada Mayfair ee rabshaduhu ay ka bilaabmeen,

Dhinaca kale xafada Mayfair ayaa waxaa la keenay Baaburta dagaalka  ee wadankan S/Africa  iyado qofki lagu qabta  asigo tagaan wadada xabsiga loo taxabeyey maanta waxaa qal-qaal galay ganacsiyadda  guud ahaan ku yaala xafada Mayfair Ee magaladda Johannesburg, ilaa iyo hada war   sugan kama soo bixiin  Booliska  oo ku Aadan arrintan.. 

Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horeysay ee  Soomaali gaareysa ila 40 qofood xabsig loo Taxaabo tan iyo waqtigii ay soomlida soo galeen wadankan Koonfur Africa ilaa iyo hadda waxa dadaalo wadaan  culuma udiin  ka soomaliyeed ee u dhaqan magalada johannesburg Sidee Dib Logu Soo Celin lahaa  Muwadiniintan Soomaliyeed  Xoriyadooda

W/D Hassan YeeY

Johannesburg, South Africa

yeey18@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com