shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Inka badan 50 Soomaali tahriib ah ayaa ku geeriyootay badda u dhexeysa dalalka Talyaaniga iyo Libya.

(Italy, May 25,  2008 Ceegaag Online)

Inka badan 50 Soomaali tahriib ah ayaa ku dhintay badda u dhexeysa dalalka Talyaaniga iyo Liibiya kadib markii ay la qalibmatay dooni ay si tahriib ah ugu galayeen xeebaha dalka Talyaniga.

Dadka geeriyooday ayaa la sheegay in ay markii hore ka soo amba bexeen xeebaha dalka Liibiya oo ay doon ka soo raaceen laakiin ay doontii ay saarnaayeen kula ciirtay badda u dhexeysa dalalka Talyaaniga iyo Liibiya.

Wararka laga helayo dalka Talyaaniga ayaa sheegaya in ciidamada badda Talyaaniga ay isbuuc ka hor badbaadiyeen Soomaali Tahriib ah oo la sheegay in ay doon ka soo raaceen xeebaha dalka Liibiya kuwaas oo la sheegay in ay 6 kamid ah ay ku geeriyoodeen badda.

Dhinaca kalena dadka Soomaalida ah ee sida tahriibka ku galaya dalka Talyaaniga iyagoo sii maraya badda u dhexeysa dalalka Talyaaniga iyo Liibiya ayaa sii kordhaya, waxaana warar laga helay xeebaha dalka Liibya ay sheegayaan in dad badan oo Soomaali ah oo doonaya in ay ka talaabaan badda u dhexeysa Liibiya iyo Talyaaniga ay ku sugan yihiin xeebaha dalka Liibiya.

Soomaalida tahriibka ah ee doonaya in ay helaan nolol ka fiican midda ay kaga soo tageen dalka Soomaaliya ayaa badanaa ku geeriyooda badda, iyadoo meelaha ugu badan ay dadka Soomaalida ah ku dhintaan ay kamid yihiin badda u dhexeysa dalalka Yaman iyo Soomaaliya iy midda u dhexeysa dalalka Talyaaniga iyo Liibiya.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com