Is
rasaaseyn xalay ka dhacday Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya
ee Magaalada Baydhabo
(Baydhabo, May 22,
2008 Ceegaag Online)
Kooxo
hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday xarunta Hoolka shirarka
Baarlamaanka Soomaaliya Magaalada Baydhabo sida ay sheegayan
wararka naga soo gaaraya Magaaladaas.
Weerarkan
hubeysan ayaa waxaa iska caabiyay ilaaladii xaruntaas iyagoo
gurmad ka helayay Ciidamada Booliska iyo Ciidamada ilaalada
Madaxtooyada Baydhabo.
Is
rasaaseyntan oo socotay muddo ayaa waxaa la isu adeegsanayay
hubka fudud sida uu sheegayo goobjooga ka dhawaa degaan ku
dhaw xaruntaas Baarlamaanka ku leeyahay Magaalada Baydhabo.
Lama oga
kooxda weerarka soo qaaday cidda ay ka tirsan yihiin hase
ahaate Saraakiisha Booliska Baydhabo waxaa ay sheegayan in
ay rumeysan yihiin in weerarkan ay ka dambeeyan kooxaha
Dowladda ku kacsan.
Ilaa iyo
hadda lama soo sheegin cid wax ku noqotay is rasaaseyntan
haddii ay ahaan lahaayeen Ciidamada Booliska iyo kooxaha
weerarkan soo qaaday
Saraakiisha ciidanka iyo
maamulka gobolka midna kama hadlin iska horimaadka, waxaana
saaka magaalada ka socda abaabulo lagu soo dhaweynayo
madaxda sarsare ee dowladda oo la sheegay in ay halkaas
kulamo kula qaadanayaan wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo
maanta ku soo wajahan magaalada Beydhabo.
Magaalada Beydhabo oo ah
xarun Barlamaanka ayaa maalmihii ugu dambeyey waxaa hareeyey
dilal iyo qaraxyo, iyadoo maamulka gobolka Bay iyo
saraakiisha ciidanka ay sheegayaan in ay wadaan
dhaqdhaqaaqyo ay ku xakameynayaan falalkaas.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |