shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Isbahaysiga Asmara Yaa u Hadla? Waxbixinada aan Saxiixa wadan Yaa Ka Dambeeya?

(Asmara, May 24,  2008 Ceegaag Online)

Waxaa maalmahan saxaafadda lagu wareeriyey oo si isdaba joog ah loogu soo dirayey qoraallo aan la garanayn halka ay ka yimaadeen iyo cidda soo dirtey toona, laakiin lagu sheegey inuu soo saarey Isbahaysiga Dib u Xreynta. Saxaafada qaarkeedna iyagoon eegeyn nidaamka saxaafadeed ayey iska daabacayaan qoraallo aan cidina ku saxiixnayn, wadanna astaan ama shaabad urur ama Isbahaysi. Qaraalladaasi fulaynimada ah kama duwana dablayda madaxa soo duubta ee wax garadka dila iyagoo iska dhigaya inay yihiin Muqawammo. 

Dhowr qoraal oo website-yada lagu soo daadiyey ayaa lagu sheegey inay ka soo baxeen Isbahaysiga, hase yeeshee qoraalladaasi midkoodna ma wadannin magacyada qof xil ka haya Isbahaysiga amaba mas’uul kale, waxaana qoraalladaasi si mas’uuliyad darro ku jirto aflagaado loogu gaystey hoggaanka sare ee Isbahaysiga iyadoo la isticmaalayo erayo xilkas darro ah sida ‘QIYAANNO AMA SHIRQOOL’  loola jeedo inay geysteen mas’uuliyiinta ugu sarreysa labada gole ee Isbahaysiga.

Shaki kuma jiro in shaqsiyaadka tashwiishka afuufaya ee faafinaya qoraallada caynkan oo kale ah isla markaana sheeganaya inay qadiyad dal iyo dad difaacayaan inay qayb ka yihiin shirqoolka iyo caqabadaha hor taagan halganka shacbiga Somaaliyeed kula jiro cadawga Soomaaliyeed.

Saxaafadda waxaa lagu dhiirrigelinayaa inaysan daabicin qoraallada sheeganaya inay ka soo baxeen Isbahaysi ama Urur siyaasadeed ee aysan ku saxiixnayn magacyada mas’uuliyiin xil ka haysa ururkaas ama Isbahaysigaas isla markaana aan wadan Astaan iyo Shaabad Urur.

Qoraaladdaas waxaa aalaaba soo gudbiya shaqsiyaad ujeeddooyin gaar ah leh oo ku been abuuranaya ururro siyaasadeed oo aysan matelin ama ka tirsanayn ama waa shaqsiyaad aan qalinkoodu xishoonayn shaqsiyadooduna aanay lahayn geesinnimo ay isku muujiyaan cidda ay yihiin.

www.ceegaag.com

 

  

webmaster@ceegaag.com