Isimada Gobolka
Bari oo Dhaliilay Puntland
(Bosaaso, May 06,
2008 Ceegaag Online)
Isimada Gobolka Bari
ayaa dhaliilay Maamulka Puntland iyaga oo kulamo Xasaasi ah
ka yeeshan arimaha ku aadan dadka loo dhiibay Sirdoonka
Ethiopia, Isimadu waxay sheegeen in Maamulka Puntlland looga
baahan yahay inay ka fiirsadaan Cawaaqib xumada ka dhalan
karta dadka Muslim ah oo laga Ganacso iyaga oo loo iib geeyo
Dawladaha shisheeye.
Kulan Albaabdu ay u
xidhnaayeen ay maanta Isimadu ku sheegeen Hotel Juba ee
Magaalada Bosaaso ayay waxay ku dhaliileen Xukuumada uu
hogaamiyo Cade Muuse Xirsi,waxay sheegeen inuu Cade Muuse
ku guul daraystay wax ka qabasha Amaanka iyo Sicir bararka
Cunta Xumada haysata Gobolada Puntland.
Isimada Gobolka Bari oo
maanta kulankoodaasi aad ugaga hadlay dhibaatooyinka haystay
Maamulka Puntland ayaa sheegay inay falalkaasi wadaan qaar
ka tirsan Golaha wasiirada Puntland oo doonaya inay qas iyo
Dagaal ka dhaco Puntland.
Ugaas Xasan Ugaas
Yaasiin oo warbaahinta kulankaasi ka dib u waramay ayaa
daboolka ka qaaday inay Maamulka Puntland ugu baaqayaan
inay ka shaqeeyeen Nabada iyo Cadaalada isaga oo farta ku
fiiqay in ay jiraan Qaar ka tirsan Golaha wakiilada Puntland
oo hurinaya colaad iyo in Puntland ay ka dhacaan Dagaalo
sokeeye.
"Puntland waxa dhidibada
loo taagay 1998 markaasi oo ay dhamaayeen
dhamaan Isimada iyo Siyaasiyiinta ku Bahoobay Puntland
ujeedka loo dhisay waxa uu ahaa in la midoobo oo la qaybsado
Awooda Maamul ee markaasi la dhisay waxa dhacday inaanay la
yeelin qaabkii lagu balamay wakhtigaasi"Ayuu yiri Ugaas
Xasan Ugaas Yaasin.
Isimada ayaa waxay kaloo
sheegeen inaanay wax wada shaqayn ah ka dhexayn Maamulka
Puntland oo ay dhawr jeer soo jeediyeen Baaqyo balse aan
dheg jalaq loo siin, taasi oo ay ku tilmaameen inay keeni
karto kala qayb sanaan Maamulka iyo Guurtida.
Isimada Gobolka Bari oo
aad moodid inay ka shaqa badan yihiin Maamulka Puntland
iyaga oo isu taaga Arimo badan oo maslaxad u ah Shacabka iyo
xukuumada, waxa lagu xusuustaa Isimada Gobolka Bari
xakamayntii Makiinadii daabici jirtay Lacagaha Faalsada oo
ay ku guulaysteen inay Albaababa u laabaan taasi oo ay horay
uga caal wayeen Xukuumada Puntland inay xidhaan.
Xigasho: Laasqoray
webmaster@ceegaag.com |