Iska
horimaad xalay ka dhacay gudaha Magaalada Kismaayo oo
dhaliyay dhimasho iyo dhaawac.
(Kismaayo, May 17,
2008 Ceegaag Online)
Inta la og yahay hal qof
ayaa ku dhintay qof kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray iska
horimaad xalay gudaha magaalada Kismaayo ku dhexmaray labo
maleeshiyo beeleed oo midkood ay jidgooyo u taalay gudaha
magaalada Kismaayo.
Iska horimaadka ayaa
waxa uu ka dambeeyey kadib markii ilaalada dekadda Kismaayo
oo doonayey in ay qaadaan bar jidgooyo ah oo ay maleeshiyaad
hubeysan dhigteen meel ku dhow isbitaalka magaalada Kismaayo,
waxaana iska horimaadka oo ahaa mid muddo socday ku naf
waayey hal qof halka qof kalena uu ku dhaawacmay.
Goobta ay jidgooyada
dhigteen maleeshiyada hubeysan ayaa waxaa ku xayirnaa
gaadiid ka yimid dekadda iyo kuwa ku sii jeeday oo ay is
hortaag ku sameeyeen maleeshiyada jidgooyada dhigatay.
Wararka laga helayo
magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in ilaalada
dekadda Kismaayo ay ku guuleysteen in ay qaadaan jidgooyadii
ay maleeshiyada hubeysan dhigteen wadada gasha dekadda taas
oo ay si weyn u soo dhaweeyeen gaadiidleyda dekadda Kismaayo.
Magaalada Kismaayo oo ay
ku badan yihiin maleeshiyaadka hubeysan ayaa waxa ku soo
badanaya jidgooyooyinka iyo dilalka, waxaana kii ugu
dambeeyey uu dhacay seddax maalin ka hor markii nin hubeysan
uu tacshiirad huwiyey dad maqaayad ku shaahayey halkaas oo
labo qof ay ku geeriyootay.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |