Israsaaseyn
dhimasho iyo dhaawac sababtay ayaa maanta ka dhacday gudaha
Magaalada Kismaayo.
(Kismaayo, May 22,
2008 Ceegaag Online)
Israsaaseynta ayaa timid
markii ilaalada guddoomiyaha guddiga siyaasadda Beesha Sadde
ay weerar ku qaadeen goob ay isbaaro u taalay maleeshiyo
hubeysan.
Iska horimaad dhexmaray
labada dhinac ayaa la sheegay in uu ku dhintay hal qof oo
kamid ahaa dhinacyadii dagaalamay halka uu ku dhaawacmay mid
kale oo ka tirsanaa maleeshiyaadkii uu iska horimaadku
dhexmaraya.
Guddoomiyaha guddiga
siyaasadda Beesha Sadde Yaasiin Nuur Gaas ayaa sheegay in ay
wadaan qorshayaal ay magaalada Kismaayo kaga sifeynayaan
jidgooyooyinka ay waddooyinka dhigtaan maleeshiyaadka
hubeysa ee cidna ka amar qaadan.
Wuxuu intaas raaciyey in
mas'uuliyiinta iyo maamulka magaalada Kismaayo ay arrintaan
ka xaajoodeen islamarkaana ay isku afgarteen in
jodgooyooyinka laga qaado waddooyinka magaalada si uu u
hagaago isu socodka waddooyinka magaalada Kismaayo.
Bilowgii todobaadkan ayey
aheyd markii sidaan oo kale uu iska horimaad ku dhexmaray
magaalada Kismaayo ilaalada dekadda iyo maleeshiyo jidgooyo
dhigatay wadada gasha dekadda magaalada Kismaayo ee xarunta
gobolka J/hoose.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |