Jaamacada EAU oo
lagu soo kordhiyay Barnaamijyo cusub oo dhanka aqoonta ah (Daawo
sawiro).
(Bosaaso, May 17,
2008 Ceegaag Online)
Jaamacada Bariga Afrika ee Magaalada Bosaaso ayaa waxay soo
kordhisay Baraanmij Cusub oo lagu soo kordhiyay dhanka
Waxbarashada ka Baxda Jaamacada Bariga Afrika, Maamulka
Jaamacada EAU ayaa warfidiyeenada u sheegay inay Xidhiidh la
soo sameeyeen Jaamacado ku yaala Banaanka Dalka Soomaaliya.
Gudoomiyaha Jaamacada
EAU Maxamed Cabdi Aadan ayaa sheegay inay Horaantii Bishii
la soo dhaafay ay wafti u direen Dalka Malaysia ee ku yaala
Qaarada Asiya, si ay halkaasi hashiis ula soo galaan
Jaamacadaha ku yaala Dalkaasi, Gudoomiyaha ayaa sheegay inay
Waftigaasi u sahan tagay Jaamacada EAU ay ku soo guulaysteen
Hawshii ay halkaasi u aadeen.
Dr-ka ayaa waxa uu ka
sheekeeyay Heerka Aqooneed ee Jaamacada EAU oo uu sheegay
inay tahay Hooyadii Gobolada Puntland isla markaana ay ka
Qalin jabiyeen Boqolaal Arday Somali ah oo ka soo kala
Boqoolay Daafaha Somaliya.
Gudoomiye Xigeenka
Jaamacada EAU ee Magaalada Bosaaso ayaa halkaasi hadal ka
soo jeediyay isaga oo sheegay inuu aad ugu mahad celinayo
dhamaan dadkii Xafladaasi ka soo qayb galay, Gudoomiye ayaa
waxa aad uga hadlay Faa iidada ay leedahayo Aqoonto.
Gudoomiye Xigeenka
Jaamacada C/qaadir Shiine ayaa waxa uu ka warbixiyay safar
ay jaamacada ugu Sahan tageen iyaga oo gaadhay Dalka
Malaysia,waxa intaasi ku daraya in Jaamacadaha Dalka
Malaysiya ku yaala ay la soo galeen Hashiis, isaga oo carar
baabay inay Xidhiih fiican la soo qaateen Jaamacada
(Universty Utra Malaysi oo loo yaqaan (UUM)
Mr Shiine ayaa waxa uu
intaasi ku daray in Jaamacadaha Heerkeeda Aqooneed la
taayeeyay iyada oo lagu soo kordhiyay, Shareca
Diploma, Staticis iyo Demogarph, iyo Master
Computer, dhamaan Kuliyadahaasi ayaa Jaamacada kor
loo qaaday Heerkooda aqooneed
Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Bari Dr Caynab ayaa
halkaasi isna hadal kooban ka soo jeediyay isaga oo sheegay
inuu ka mid ahaa ragii ugu horeeyay ee dhagax dhiga
Aasaaskii Jaamacada EAU ee Magaalada Bosaaso maanta ay ka
qalin jabinayaan Boqolaal Arday taasi ayuu sheegay inay
tahay Mahad Naq EEBE Subaaxanahu Wa Tacaalaa iska Leeyahay
Masuuliyiinta Jaamacada
EAU ayaa waxa kaloo intaasi ku dareen in horaanta Bisha
Semterbar toos loo bilaabayo Daraasaadkaas oo aan kor ku soo
sheeganay iyada oo ay Bisha Jun Jaamacada Bari Afrika soo
gaadhayaan wafti Caalamiya oo ka socoda Jaamacaha Dalka
Malaysi kuwaasi oo ujeedkoodu yahay inay Xidhiidh dheeraad
ah la sameeyeen Jaamacada EAU oo inta badan lagu Amaano
Hanaan Maamul wanaag iyo Aqoon sare.
Isku soo xooriyoo
Xafladaasi ayaa waxay ku soo dhamaatay jawi aad u fiican
iyada oo dhamaan Bulshadii halkaasi joogtay ay u
mahadcelinayeen Maamulka Jaamacada Bariga Afrika.
Xigasho: Laasqoray
webmaster@ceegaag.com |