shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jacob Zuma oo Cambaareeyay Rabshadaha Haybsooca ah ee ka jira dalka South Africa.

(Pretoria, May 19,  2008 Ceegaag Online)

Madaxweynaha ANC ee dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa markii ugu horeysey shaaciyey sir  ku saabsan gacantii ay Soomaaliya ka geysatay halgankii lagu xoreeyey  dalka South Afrika.

Jacob Zuma ayaa la hadlayay Kumanaan dadweyne ah oo isugu yimid kulan ka dhacay jamacad ku taala  magalada Pretoria, kadib markii uu kulan gaar ah la yeeshey madaxda Jaaliyada Soomaalida dalkani, kaas oo yimid xilli rabshadaha shisheeye naceyb ka ah ay  ku sii faafayaan  guud ahaan dalkan South Africa.

Kulan balaaran oo kumanaan  dadweyne ah ay kasoo qeybgaleen, ayaa waxa uu ka dhacay xaafad ka  mid ah caasimada dalka Koonfur Afrika ee Pretoria, halkaas oo uu dadka uu kula hadlay madaxweynaha xisbiga talada haya ee ANC Jacob Zuma, kulanka ayaa looga hadlayay sidii loo xalin lahaa rabshadaha sii faafaya ee ajaaniibta ka dhanka ah, gaar ahaan Soomalida oo ah dhibanayaasha ugu baddan  ah.

                                         

dhinaca kale Inta uusan Zuma kulanka ka hadlin waxa uu kulan albaabada u xiranyahay la yeeshey madaxda Jaalliyada Soomaalida dalkani oo uu horkacayo muddane  Axmed Dawlo, Dr. Cabdullaahi Carte, iyo Maxamed Shugri, kulanka oo eey goobjoog  ka ahaayeen  madax kale oo dawlada ka socotey, ayuu Jacob  Zuma madaxda Jaaliyada Soomaalida  kaga warqaatay baaxada Dhibaatada Soomaalida heysata iyo sidii wax looga qaban lahaa, waxaa halkaasi warbixin kooban Jocob  Zuma siiyey Agaasimaha guud ee Jaaliyada Somali Association of South Africa, ahaana jirey wariye uu shaqeeya Laanta af-Soomaaliga ee BBC-da Muddane Ahmed Dawlo , oo ku dheeraaday baaxada Dhibaatada Soomaalida heysata iyo sida sannooyin baddan ay dhibaatadaasi u taagneyd oo aanan waxbo looga qaban,Axmed Dawlo waxa uu mahad celin balaaran u jeediyey dawlada dalkan South Africa  oo uu sheegey in marka la eego siyaasadaha muhaajiriinta quseeya eey yihiin kuwa aduunka ugu wanaagsan, balse waxa uu ka cawday in fulintii iyo hergalintii siyaasadaasi uu dhib ka taaganyahay oo aanan la fulin, taas oo uu  Jocob Zuma garwaaqsaday,

Muddane  Axmed Dawlo ayaa Jacob Zuma u sheegey in tirada Soomaalida ah ee mudada 10 sanno ehayd  lagu diley dalkani South Africa eey dhantahay 472 qof oo  lagu soo afmeeray wiil dhalinyaro ah oo shalayto lagu diley magaalada Cape Town, Jocob Zuma ayaa arrintaasi aad  uga naxay, wuxuuna muujiyey murugo iyo Tiiraanyo baaxad weyn leh  uu arrintaasi ka qabo oo wajigiisa laga dheehan karay,  ahmed Dawlo ayaa hadalkiisa kusoo koobey in ay oga fadhiyaan dawlada dalkani  South Africa iyo xisbiga talada haya ee ANC in wax laga qabto dhibaatada heysada Soomaalida iyo guud ahaan Ajaaniibta. 

                               

Si kastaba ha ahaatee Jacob Zuma ayaa hadalkii qaatay, wuxuuna u mahad celiyey madaxda Soomaalida ee goobta joogtey, wuxuu dadkii kulanka fadhiyey xasuusiyey taariikhda Soomaaliya eey la leedahaya dalkani, oo uu sheegey in doorkii eey Soomaaliya ka qaadatay halgankii xoreyta midab takoorka uu yahay wax lama hilmaamaan ah, wuxuu yiri “marar aad u baddan ayaan  magaalada Muqdisho tagay, xitaa inta goor eey aan tagay ma garanayo tiro badnideeda, Madaxweynihii iyo Shacabkii Soomaaliya waxa eey noo ogolaadeen in aan hubkeena dhigaano gudaha Soomaaliya, fagaarayaasha aduunka ayay naga taageereen, xitaa waxay sameeyeen arrin uusan dal kale la wadaagin oo ah in xitta saraakiisheena sirdoonka eey ku safri jireen baasa-boorada Soomaaliya oo taasina eey ogoleyd dawladi madaxweyne  Siyaad Barre, Soomaaliya abaal weyn ayaan u heynaa, waxa aan ugu abaalgudnana ma ahan in aan dilno, dhacno oo aan noloshooda cariiri galino, maanta waxa eey nooga baahi badanyihiin ma jiraan”.  jocob Zuma oo sii hadlayay ayaa sheegey in tirada Soomaalida dalkani ku dhimatay eey tahay mid aad looga naxo, isla markaasina eey tahay in talaabo adag  laga qaado sidii cadaalada looga fali lahaa arrintaasi, wuxuu sheegey in gudi heer qaran ah uu  sari doono,
 
Kulanka oo albaabada u xirnaa saxaafaddana aan loo ogolaan, ayaa waxaa sidoo kale fadhiyey saraakiil ka socotey UN-ka, kuwaas oo dhaleeceen kala kulmay Zuma, wuxuu weeydiiyey “horta idinku sidiinaba qaxootiga maxaad u qabataan ?, wax is weeydiini ma xumee, aduunka meelo baddan ayaad joogtaane, oo aad waxyaalo baddan qaxootiga u qabataane, dalkan qaxootiga ku nool maxaad u qabataan, bal noo sheega oo noo sharaxa?”. Hadalkaasi ayaa si weyn usoo jiitey ergadii meesha fadhidey,  ahmed dowlo oo kulanka fadhiyey ayaa ii xaqijiyeey in kalmadaasi uu jocob Zuma UN-ka ku yiri eey aheyd mid waqti dheer looga  baahnaa, isla markaasina uu yahay war dhiilo leh xaga UN-ka oo eeysan jirrin wax eey u qabteen qaxootiga, jocob zuma  ayaa la filayaa in uu shir kula  balansanyahay  UN-ka oo uu sheegey in uu rabo in uu kala hadlo arrimaha qaxootiga  ee dalkan South Africa.


 
W/D Hassan YeeY
 
Pretoria, South Africa

yeey18@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com