Kacdoon ka
dhan ah Ajaaniibta ku Nool Dalka Koonfur Africa ayaa
hareeyay Guud ahaan Dalka K/Afrika.
(Johannesburg,
May 16,
2008 Ceegaag Online)
Waxaa
baryahan hareeyey dalka Koonfur Africa kacdoon ka dhan ah
dadka Ajaaniibta ee ku dhaqan guud ahaan dalka South
Africa, kacdoonkan ayaa ka jira Magaalooyin baddan oo ku
yalaa dalka South Africa, waxaa la xaqijiyeey iminka deegaanadii
shalayto iyo maalmihii lasoo dhaafay ay rabshadaha
halakeeyeen in ay maanta degantahay, iyadoo dhamaan dawlada
oo dhan ay si isku mid ah oga hadleen dhacdooyinkani, ugu
yaraan golaha wasiirada ayaaba xittaa soo jeediyey in
dhamaan tuulooyinka ay shisheeyaha deganyihiin la geeyo
ciidamo dheeraad ah oo amaankooda suga.
shalayto galinkii dambe ayay rabshaduhu soo gaareen, iyadoo
la arkaya tuulada lagu magaacabo Diepsloot dadka degan iyo
ciidama Police-ka oo isku dhac dhex maray, inta la
ogyahayana waxaa Policeku eey xireen 15 qof oo rabshadaha
loo qabtay tuuladaasi. rabshada ayaa xoog lagu joojiyey,
waxaana baaqday Soomaali baddan oo qorsheyneysay in eey
meesha kasoo qaxaan, walow wali xaalada eey kacsantahay,.
dhanka kale golaha wasiirada dalka ayaa shalayto hadal cad
kasoo saaray rabshadaha, afhayeenka golaha wasiirada Themba
Maseko ayaa sheegey in haddii xittaa loo baaahdo in dhamaan
tuuulooyinka eey deganyihiin Ajaaniibta Ciidamo lagu daadiyo,
in sidaasi la yeelayo, wuxuuna tilmaamay in eey qasabtahay
in ajaaniibta la caawiyo oo la difaaco.
Si kastaba ha ahaatee wasiirada u qabiisan dhinaca qaxootiga
ee Home Affairs-ka ayaa iyaduna shalay sheegtey in dadka
sharci darada dalka ku jooga, ee laakiin dhibaatada ay
saameysay aanan dib loo celin doonin, taasi badankeedana la
caawin doono, sharciyana la siin doono, waxayna tiri "dadkani
waa dhibanyihiin, inaga ayay nagu soo carareen, kana
faa'iideysan meeyno, oo dib u celin meeyno, taaasi
badalkeedana waan caaawineynaa, meelihii laga barakiciyeyna
waa in lagu celiyaa, taana waa qasab".
W/D Hassan YeeY
Johannesburg, South Africa
yeey18@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |