shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kooxo hubeysan ayaa Ajaanib u shaqeenayay Hay’ad ka afduubtay Degmada Awdheegle.

(Awdheegle, May 21,  2008 Ceegaag Online)

Rag hubeysan ayaa seddax qof oo labo ay ahaayeen dad ajaanib ah waxa ay ka afduubteen deegaanka Awdheegle oo ka tirsan gobolka Sh/hoose, iyadoo falkaasi uu dhacay saqdii dhexe xalay.

Kooxaha wax afduubtay ayaa la sheegay in ay wateen seddax gaari kuwaas oo u dhacay xaruntii ay deganaayeen dadka ajnabiga ah oo la sheegay in ay u shaqeynayeen hay'ad la yirahdo CINS oo deegaanada gobolka Sh/hoose ka waday horumarin dhinaca beeraha ah.

Kooxaha wax afduubtay ayaa sidoo kale horey u sii kexeystay madixii hay'adaas oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Yuusuf Cawaale, lamana oga halka ay ula dhaqaaqeen iyo ujeedada ka dambeysa in ay afduubaan.

Maamulka gobolka Sh/hoose iyo saraakiisha ciidanka midna kama hadlin falka afduubka ah ee kooxaha hubeysan ay ka geysteen deegaanka Aw dheegle ee gobolka Sh/hoose.

Dadka ku dhaqan deegaanka Aw dheegle ayaa ka codsaday maamulka gobolka Sh/hoose in uu ka shaqeeyo sidii loo soo furan lahaa dadka la afduubtay oo ay sheegeen in ay ka shaqeynayeen horumarinta beeraha ee deegaanada gobolka Sh/hoose.

Falalka afduubka ah ayaa caadi ka noqday gudaha Soomaaliya iyadoo badanaa kooxo hubeysan ay afduub kula kacaan maraakiibta iyo shaqaalaha ajnabiga ah taas oo cirka ku sii shareertay dhibaatada ka jira dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com