shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kolonyo Ethiopian ah oo maanta qaraxyo iyo weerar lagula beegsaday meel ku dhow deegaanka Leego ee gobolka Sh/hoose.

(Leego, May 12,  2008 Ceegaag Online)

Kolonyo ciidamo Ethiopian ah ayaa maanta qaraxyo iyo tacshiirad lagula beegsaday meelku dow deegaanka Leego ee gobolka Sh/hoose halkaas oo la sheegay in ciidamada Ethiopia uu khasaare xooggan ka soo gaaray.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in seddax kamid ah gawaari ay wateen ciidamada Ethiopia lagu qarxiyey halkaas islamarkaana ay ciidamada Ethiopia soo gaartay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kaas oo aan la ogeyn inta uu gaarsiisan yahay.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia oo ku soo jeeday magaalada Muqdisho kana yimid magaalada Baydhabo ay dib ugu laabteen magaalada Baydhabo kadib markii ay khasaare xooggan kala kulmeen qaraxyada oo ay wehliyeen tacshiirado lala beegsaday qaraxyada kadib.

Si dhab ah looma oga askarta ciidamada Ethiopia ee ku waxyeelowday qaraxyada iyo weerarka xigay, hase ahaatee wararka laga helayo gobolka Bay ayaa sheegaya in gawaaridii dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ay sideen dhaawacyo.

Wadada isku xirta magaalooyinka Baydhabo illaa Muqdisho gaar ahaan inta u dhexeysa degmooyinka Wanla-weyn illaa Buurhakaba ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxa ay noqdeen kuwa lagu bartilmaameedsado ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowladda KMG ee isticmaala wadadaas.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com