Kooxo Hubeysan
oo toogasho ku dilay Mas’uul ka tirsanaa Shirkada
Isgaarsiinta Nation Link.
(Muqdisho, May 08,
2008 Ceegaag Online)
Kooxo hubeysay ayaa
toogasho ugu geystay bartamaha suuqa Bakaaraha mas'uul ka
tirsanaa shirkadda isgaarsiinta Nation Link xilli uu
mas'uulkaas ka cunteynayey maqaayad ku taala gudaha suuqa
Bakaaraha.
Mas'uulka la dilay oo
lagu magacaabi jiray C/laahi Baadil Dhiblaawe ayaa la
sheegay in uu kamid ahaa mas'uuliyiinta shirkadda
isgaarsinta Nation Link ee dhinaca waqooyi ee magaalada
Muqdisho kaas oo aan la ogeyn ujeedada salka ku hayo
dilkiisa.
Kooxihii geystay dilka
mas'uulka ayaa goobta ka baxsaday markiiba, iyadoo marxuumka
uu isla markiiba ku geeriyooday goobta markii ay melo halis
ah uga dhacday rasaastii ay la beegsadeen kooxaha hubeysan.
Falka dilka ah ee loo geystay mas'uulka ka tirsanaa
shirkadda isgaarsiinta Nation Link ee ka dhacay gudaha suuqa
Bakaaraha ayaa dhacaya xilli ay suuqa ka howlgalaan ciidamo
gaar ah oo ilaalo u ah suuqa weyn ee Bakaaraha kuwaas oo ay
sameysteen ganacsatada suuqa Bakaaraha.
Dhinaca kalena kooxo
hubeysan ayaa xalay dhaawac u geystay mid kamid ah
ganacsatada caanka ah ee magaalada Muqdisho kadib markii
isaga oo ku sugan meel ku dhow hoygiisa ay tacshiirad
huwiyeen.
Dhaawaca ganacsadahaas
oo la dhigay isbitaalka Madiina ayaa iminka warar aan helnay
ay sheegayaan in lagu wado in loo qaado magaalada
Nairobi ee
dalka
Kenya
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |