shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kulan ka dhacay suuqa Bakaaraha oo lagu go'aamiyey isticmaalka lacagaha duugga ah iyo kuwa jeexjeexan.

(Muqdisho, May 06,  2008 Ceegaag Online)

Kulan ka dhacay gudaha suuqa Bakaaraha ayaa lagu go'aamiyey in ganacsatadu ay qaataan lacagaha duugga ah iyo kuwa jeexan ee kunka shilin ah oo maalmihii ugu dambeeyey si weyn looga diidayey suuqyada magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen mas'uuliyiin isugu jirta ganacsato, culumaa'udiin, Abwaaniin iyo waxgaradka Muqdisho ayaa looga hadlay dhibaatada ka dhalan karta diidmada lacagahaas, waxaana mas'uuliyiintii halkaas ka hadashay ay si isku mid ah isugu raaceen qaadashada lacagaha duugga ah.

Sheekh Maxamuud Aw Cabddulle Cariif oo kamid ahaa culumaa'udiinkii goobta ka hadlay ayaa sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ka dheeraadan wax kasta oo dhalin kara cawaaqib xumo, isagoo kula dardaarmay in ciddii dadka dhibta wado kasta ha u maraane in ay maalinta aakhiro cadaab alle mudan doonaan.

Afhayeenka midowga ganacsatada gobolka Banaadir ayaa isna goobta ka sheegay in ka ganacsato ahaan ay diyaar u yihiin socodsiinta lacagaha duugga ah, waxaana afhayeenku uu goobta ka sheegay in wixii maanta ka dambeeya ganacsatada gobolka Banaadir ay qaadan doonaan lacagaha duugga ah iyo kuwa jeexan.

Goobta uu kulanka ka dhacay oo ay dibadda ka joogeen dadweyne fara badan oo ka war sugayey waxa kulanka ka soo baxa ayaa markii ay maqleen in kulanka lagu go'aamiyey qaadashada lacagaha waxa ay si weyn ugu soo dhaweeyey natiijadii ka soo baxday kulanka.

Inkasta oo kulanka ka dhacay suuqa Bakaaraha lagu go'aamiyey socodsiinta lacagaha duugga ah iyo kuwa jeexan ayaa haddana isla gudaha suuqa Bakaaraha wararka laga helayo waxa ay sheegayaan in ay weli taagan tahay diidmada ay ganacsatadu ku sameynayaan lacagaha duugga ah iyo kuwa jeexan.

Dibadbaxyo rabshada wata oo dadna ay ku dhinteen ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho shalay iyo maanta, waxaana arrintaas ay ka dambeysay kadib markii uu sii xoogeystay diidmada ay ganacsatadu ay ku sameynayaan lacagaha duugga ah iyo kuwa jeexan.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

 

  

webmaster@ceegaag.com