Kulanka Dib u
Heshiisiinta ee maanta Jabuuti uga Furmidoona Dowladda
Federaalka iyo Mucaaradkeeda oo shaki la galiyay.
(Djibouti, May 10,
2008 Ceegaag Online)
In
kastoo Magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti ay ku
sugan yihiin Ergooyinka ka kala socda Dowladda Federaalka
Soomaaliya iyo isbaheysiga Asmara iyo wafuud ka socota
Qaramada Midoobay ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in
kulankaas bur buri doono marka la eego mowqifyada ay kala
joogan Soomaalida kulankaas loo qabanayo.
Hoggaamiyaha Isbahaysiga mucaaradka Asmara Sheekh Shariif
Sheekh Axmed,ayaa sheegay in aan isbahaysigu aqoonsaneyn
dowladda Soomaaliya, isla markaana aan wax wadahadal ah oo
toos ahi dhex mari doonin.
Hadalkani waxaa uu ku soo beegmay iyada oo wafdi ka socda
Dowladda Soomaaliya iyo Mucaaradkeeda ayhada ku sugan yihiin
Dalka Jabuuti halkaas oo lagu wado in uu maanta wadahadal
uga furmo labadaas dhinac.
"Yaa la fadhiisahaynaa nimankan sheeganaya Dowlada wax gacan
uga jira ma jirto, dadka Bani’aadamka waa uu gafaa, haddii
ay yiraahdaan waan gafnay waxaa soo baxaya fursad wada hadal"
ayuu yiri Sheekh Shariif
Waxaa uu kaloo sheegay Sheekh Shariif in ay wada hadal la
geli doonaan Qaramada Midoobay iyo beesha Caalamka iyadoo
laga wada hadlayo oo kaliya sidii Ethiopia looga saari lahaa
dalka Soomaaliya.
Hadalada ka soo yeeraya Sheekh Shariif waxay wax u dhimi
doonaan rajadii laga qabay in dhinacyada isku haya
Soomaaliya ay wada hadlaan.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |