Maalinta
Saxaafadda Adduunka oo ku beegan 3-da May ayaa maanta laga
xusay Magaalada Muqdisho.
(Muqdisho, May 03,
2008 Ceegaag Online)
Munaasabad lagu
maamuusayo maalinta saxaafadda ayna ka qeybgaleen dad u
badan oo saxafiyiin, agaasimayaal iyo mas'uuliyiin uu kamid
ahaa Ra'isul wasaare ku xigeenka Dowladda Federaalka ahna
Wasiirka warfaafiinta isboortiga iyo dhalinyarada Axmed C/salaan
Xaaji Aadan ayaa manta lagu qabtay Hoteelka naasa hablood ee
magaalada Muqdisho.
Hadal kooban oo uu Axmed
C/salaan halkaasi ka jeediyey ayuu ku sheegay in loo baahan
yahay in la ilaaliyo amaanka saxaaafadda Soomaaliya oo uu
qiray in ay ku shaqeyso dal ay ka jiraan dhibaatooyin
dhinacyo badan leh islamarkaana si joogto ah loogu xadgudbo
xoriyadda saxaafadda Soomaaliya.
Wuxuu intaas raaciyey in
uu saxaafadda qudheeda ugu baaqayo in ay tixgeliso xoriyadda
oo aaney noqon mid ku xadgudubta xoriyadda saxaafadda,
waxaana uu ugu baaqay in dhinackasta uu u istaago sidii
looga qeyb qaadan lahaa nabad ku soo celinta dalka
Soomaaliya.
Goota ay ka dheceysay
munaasabadda lagu maamuusayey maalinta saxaafadda ee 3-da
May ayaa lagu soo bandhigay xadgudubyo loo geystay qaar
kamid ah warbaahinta madaxa banaan ee ka howlgasha dalka
Soomaaliya, iyadoo halkaas lagu sheegay in qeybo kamid ah
warbaahinta sida idaacadaha iyo saxafiyiin xadgudub loo
geystay ka dhan ah xoriyadda saxaafadda.
Xuska munaasabadda 3-da
May ee lagu qabtay maanta hotelka Naasahablood ayaa ku soo
beegmeysa xilli falal xadgudub ah oo joogto noqday kana dhan
saxaafadda dalka Soomaaliya ay ka dhacayaan guud ahaan dalka
Soomaaliya gaar ahaanna magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |