shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maamul ka Madax banaan Dowladda Federaalka oo Maanta looga dhawaaqey degmada Afmadow.

(Afmadoow, May 09,  2008 Ceegaag Online)

Maamul cusub oo ka madax banaan Dowladda Federaalka KMG ah ayaa maanta waxaa looga dhawaaqey degmada Afmadow oo ka mid ah Gobolka Jubadda hoose, maamulkaas ayaa waxa dhistey qeybaha kala duwan ee bulshada Afmadow.

Munaasabad balaaran oo si heer sare ah loo soo agaasimey, kana dhacdey degmada Afmdow, ayaa hadalo badan oo halkaa ay ka jeediyeen mas’uuliyiintii ka qeyb gashey, waxa dad weynaha reer Afmadow isku raaceen in ay sameystaan maamul ka madax mabaan Dowladda Federaalka.

Dadkii munaasabada Maamulkan cusub ee degmada Afmadow yeelatey maanta isugu yimid ayaa waxa ka mid ah Odayaasha Dhaqanka, Culimada, Ganacsatada, qaar ka mid ah Jaaliyadaha dibada ee ka soo jeeda degmada Afmadow iyo qeybaha kale ee bulshada, oo maalmihii ugu danbeeyay halkaa ka wadey olale balaaran oo ay ugu jireen sidii maamul ay ku mideysan yihiin ugu sameyn lahaayeen degmada Afmadow.

Dadkii ka Hadley Munaasabada Maanta maamulka cusub degmada Afmadow loogu sameeyay oo ay ka mid ahaayeen suldaan Cabdi Sali Sokor oo ka mid ah Salaadiinta iyo wax garadka Gobolka ugu caansan iyo Gudoomiyaha cusub ee maanta ay yeelatey degmada Afmadow C/qani Sh.Maxamed, ayaa dad weynaha degmada Afmadow ugu baaqey in ay taageeraan maamulkan ay sida wada jirka u sameynteen, sidoo kalena gacan wanaagsan ka geystaan sidii Horumar iyo Amaan loogu soo dabaali lahaa deegaanka.

www.ceegaag.com  

  

webmaster@ceegaag.com