Maareeyaha
garoonka Galkacyo oo ka hadlay duqeyn ay shalay kooxo
maleeshiyo ah u geysteen garoonka Magaalada Gaalkacyo.
(Galkacyo, May 31,
2008 Ceegaag Online)
Maareeyaha
garoonka magaalada Galkacyo ee maamulka Puntland ayaa markii
ugu horeysay ka hadlay duqeyn ay shalay kooxo maleeshiyo ah
u geysteen garoonka magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka
Mudug.
Saciid
Cabdi Dhagaweyne oo ah maareeyaha garoonka ayaa sheegay in
duqeynta lagu qaaday garoonka ay dhalisay khasaare soo
gaaray garoonka islamarkaana uu dab qabsaday qeybtii
canshuuraha ee garoonka magaalada Galkacyo.
Wuxuu
sheegay Mr. Dhagaweyne in loo baahan yahay in maamulka
dhinaca koonfureed ee magaalada Galkacyo, waxgaradka iyo
guud ahaan shacabka koonfurta magaalada Galkacyo ay u
istaagaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen dadkii ka
dambeeyey aarintaan islamarkaana maxkamad loo keeni lahaa.
Wuxuu
xusay in ay cawaaqib xumo xooggan ka dhalan doonto haddii ay
sii socoto arrintaan, isagoo sheegay in ay tahay in raali
gelin iyo magdhawba laga bixiyo dhacdadii ay kooxaha
hubeysan ku weerareen garoonka Galkacyo.
Wararka
laga helayo xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacyo ayaa sheegaya
in kooxihii shalay duqeeyey garoonka magaalada Galkacyo ay
weli joogaan halkii ay garoonka ka duqeeyeen islamarkaana ay
doonayaan in ay mar kale duqeyn u geystaan garoonka.
Duqeynta
ay maleeshiyadaadka hubeysan shalay ku qaadeen garoonka
magaalada Galkacyo ayaa la sheegay in uu salka ku hayo
arrimo dhaqaale, iyadoo maleeshiyaadka garoonka duqeeyey ay
ku cabanayaan in laga sad bursaday dhaqaalaha ka soo baxa
garoonka Gaalkacyo.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |