Madaxii
Hay’adda Horn Relief ee Jubooyinka oo xalay lagu dilay
Magaalada Kismaayo.
(Kismaayo, May 18,
2008 Ceegaag Online)
Madaxii Hay'adda Horn
Relief ee gobolada Jubbooyinka ayaa xalay rag hubeysan waxa
ay ku dileen gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose
gaar ahaan meel ku dhow hoygiisa.
Falka dilka ah ayaa
waxaa geysteen kooxo ku hubeysnaa bastoolado islamarkaana
wajiyada soo duubtay, kuwaas oo markii ay marxuumka dileen
goobta isaga cararay.
Mas'uulka la dilay ayaa
lagu magacaabi jiray Dr. Axmed Baariyow waxaana uu madax u
ahaa hay'adda Horn Relief qeybteeda gobolada Jubbooyinka,
waxaana uu shalay safar kaga yimid magaalada
Nairobi ee
xarunta dalka
Kenya.
Lama oga cidda ka
dambeysa dilka marxuumka oo si weyn looga dareemay guud
ahaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose, waxaana
wararku ay sheegayaan in ciidanka amaanka magaalada Kismaayo
ay goobta gaareen kadib dilka.
Hay'adda Horn Relief ee uu madaxda ka ahaa marxuumka ayaa
mashaariic badan waxa ay ka fulisay gobolada Jubbooyinka,
iyadoo goobo waxbarasho ah ka furtay magaalooyin kamid ah
kuwa gobolada Jubbooyinka.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |