Madaxweyanaha
Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta dib ugu soo
laabta magaalada Muqdisho.
(Muqdisho, May 11,
2008 Ceegaag Online)
Madaxweyne C/laahi
Yuusuf oo ay la socdaan xubno ka tirsan mas'uuliyiinta
dowladda ayaa saaka ka soo degay garoonka caalamiga ah ee
Aadan Cadde International Airport, waxaana halkaasi ku soo
dhaweeyey mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Amaanka madaxweynaha iyo
wafdigiisa ayaa si weyn loo adkeeyey, waxaana ciidamo aad u
fara badan lagu daadiyey wadada isku xirta gaaroonka
diyaaradaha illaa xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya
kuwaas oo si taxadar leh u ilaalinayey amaanka.
Madaxweyne Yuusuf ayaa
intii aanu ku soo laaban magaalada Muqdisho waxaa uu safarro
dibadda ah ku soo kala bixiyey wadamo ay kamid yihiin
Mareykanka, Ingiriiska, France iyo
Kenya waxaana uu ka soo duulay magaalada
Nairobi ee Caasimadda dalka
Kenya oo uu soo maray.
Madaxweynaha Soomaaliya
C/llaahi Yuusuf ayaa dalalkii uu booqashada ku tagay waxa uu
kala hadlay arrimaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan dalka
France
oo ay madaxdiisa ay isla soo qaadeen dhibaatooyinka ay
burcad badeeddu ku hayaan xeebaha dalka Soomaaliya.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |