Madaxweynaha Dalka South
Africa Thabo Mbeki oo loo soo Jeediyey inuu wareejiyo Xilka
ka hor 2009.
(Johannesburg,
May 11,
2008 Ceegaag Online)
Afhayeen u hadlay Xisbiga talada haya dalka South Africa ee
ANC ayaa beeniyey in shir maanta u furmey 3da xisbi ee
bahwadaagta ku ah xukuumada Mbeki ee kala ah SACP, ANC iyo
COSATU ay ka wada hadleen in Madaxweyne Thabo Mbeki shaqada
laga diro ka hor inta uusan xiligiisa dhamaan dabayaaqada
2009-ka.
Tiyani
Ritkhosa, oo ah afhayeenka xisbiga ayaa yiri “maana maqal
wax ku saabsan Mbeki in xilka laga tuuro, oo maanta shirka
looga wadahadlay, agendahana kumaba jrrin, dhamaan Zuma,
Vavi iyo Blade dhamaantood meeysan soo hadal qaadin qodob
ceykaasi ah” ayuu yiri afhayeenka oo saxaafadda oga
jawaabayay su’aalo dhowr ah oo la xariira, war saakay kusoo
baxay wargeyska Saturday Star oo isaga oo soo xiganaya
saraakiil sarsare oo ka tirsan xisbiga hantiwadaaga SACP, in
shirka lagu soo qaaday qodobkaasi.
Wargayska ayaa warbixintiisa ku sheegey in xisbiyada ANC
bahwadaagta la ah ay soo hadal qaadeen, qodobada kala ah
qalalaasaha quwada korontada, iyo arrintii ugu dambeeysey ee
ah SABC oo buuq uu ka taaganyahay, in eey muujinayaan
waxyaalaha in hogaan xumi eey dalka heyso, sidaasina loo
baahanyahay in Madaxweyne Thabo Mbeki uu xilka isaga dego
ka hor xiligiisa.
Si
kastaba ha ahaatee 3- da xisbi ayuu maanta shir uga bilowdey
Magaalada caasimada ah Ee Pretoria kaas oo looga hadlayo,
qilaaf xoogan oo la sheegey in uu soo kala dhexgalay labbada
garab ee ANC.
Madaxweyne Thabo Mbeki ayaa lagu eedeenayaa in uu hadh iyo
jeer wada shaqeyn joogta ah la leeyahay shirkadaha ganacsiga,
iyo dad yar oo cadaan ah oo dhaqaalaha dalka gacanta ku haya,
iyadoo uu hilmaamay dadka fuqurada ah iyo dan yarta, sidaasi
waa eeda ay soo jeedinayaan xisbiyada bahwadaagta ah.
Hassan
Yeey
Johannesburg, South Africa
yeey18@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |