Madaxweynaha
Puntland Cadde Muuse oo Dalka Dib ugu Soo Laabtay ( Daawo
Sawiradda)
(Bosaaso, May 21,
2008 Ceegaag Online)
Abaaro
6:00 Maqribnimo Ee Caawa ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Bosaso
waxaa ka soo Degay wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha
Puntland Cadde Musse Hirsi kaasi oo muddoyinkii dame
Booqashooyin ku marayay Dalal ay ka mid ahaayeen
Ethopia,Jabuuti,Kenya Iyo England Halkaasi oo uu kula kulmay
Madax ka socota DKMG Iyo Kuwa Dalalkaasi.
Garoonka Diyaaradaha ee
Bosaso Madaxweynaha Waxaa ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka
tirsan Labada Gole Ee Puntland ay ka kooban tahay Kan
Gobolka Bari Kan Degmada Bosaso Iyo Dadweyne Tira badan oo
daneenayay Soo Dhaweynta Cadde Musse.
Waxaa sidoo kale
Halkaasi La soo Dhoobay Ciidamo tira Badan kuwaasi oo ku
labisnaa Dharka Lagu Yaqaano Oo Si weyna u waardiyeeynayay
Amaanka Garoonka.
Madaxweynaha Waxa uu
garoonka uu kula hadlay Saxaafada isaga oo uga xog waramay
Safaradiisii Dibada oo uu sheegay Madaxweynuhu in ay ku soo
dhamadeen Guul isla mar ahaantaana uu dhamaantood uu kala
hadlay Danaha Puntland iyo iskaashi dhexmara labada dhinac.
Madaxweyne cadde Musse
waxa uu sheegay in uu khalad Weyn galay Markii uu xoooga
Saaray Arimaha Dhaqaalaha Balse haatan uu u soo jeesan doono
Horumarinta amaanka Iyo Sidii Gacanta loogu soo dhigi lahaa
Dhamaan Dadka uu maamulkiisu ku tuhunsan yahay In ay
Maleegayaan falal amaanka ka dhan ah.
Madaxweyne Cadde Musse
in uu garoonka uu ku sugnaa waxa uu amray in la sii daayo
Rag la sheegay in ay Ka soo Jeedaan Kililka Shanaad ee
Ethopia oo uu madaxweynuhu tilmaamay in ay yihiin
Muwaadiniin Somali ah Oo aan Wax dambi ah lahayn tasi oo si
weyn loogu sacab tumay.
Madaxweynaha Ayaa la
filayaa In uu maalmaha soo socda uu kulamo la qaato Qaybaha
Bulshada ee Bosaso oo kala hadli doona wax kaqaabadka
arimaha ka jira Puntland.
Xigasho: Laasqoray
webmaster@ceegaag.com |